Mucaaradka Iyo Dad Tiro Badan Oo Ugu Baaqay Raysalwasaaraha Malaysiya Inuu Is Casilo Kadib Musuq Lagu Eedeeyay

Malaysiya(Sklpost)-Hogaamiyayaasha axsaabta siyaasadeed ee iska soo horjeeda ee dalka Malaysia ayaa waxa ay ku biireen dalabka Ra’iisul wasaaraha looga dalbanayo inuu iscasilo.

 musuq

Najib Razak waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq, kaddib markii akoonkiisa bangiga laga helay 681 milyan oo dollar.

Waxa uu sheegay in lacagtaasi ay ahayd deeq siyaasadeed, laakiin kuwa asiga kasoo horjeeda waxa ay ku adkeysanayaan inay ahayd lacag laga qaatay miisaaniyadda hormarinta dalka.

Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen siyaasiyiinta ugu sareysa ee xisbiga talada haya, mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah waxa ay ku baaqeen in shacabka ay ku biireen waxa ay ugu yeereen “ka badbaadinta dalka ee dowladda Razak.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamed wuu ka baxay xisbiga Najib Razak, asigoo ka wax uu ku sheegay “danaha Najib ee dalka ka dhanka ah.”