MR. GUDDI IYO 2014! Q1aad – W/Q: Hamse Bashe Muhumed (H.shaadhey)

hamse1Qalinka iyo buugu waa kuwo ka runsheega kalmada sida farshan’nimada leh u qoryaan, wakhti walibana waxa uu leeyahay xusuus iyo xigasho, waxay ahayd 1980 markii abwaan Cabdi iidaan faarax uu tiriyey gabaygii uu kaga qaybqaadanyey silsiladii Deelay ee abwaanada badani ka qaybqaateen, waxaana kamid ahaa gabaygiisa tixdan

 

“Adiguna Dameeroow

Dawankaaga qaadoo

Higso faraska Doolaal

Dani seeto weeyee

Daba soco ma gaadhide…..”

 

Xaaladaha is bedelaya ee ka jira wadankan aynu ku noolnahay waa kuwo Hadba isisoo tarya oo ku faafaya bulshada muwadiniinta ah ee ku dhaqan geyiga guud ahaan, Ogow oo Burburkii hore ee Dawladii somaliya, Waxyaabaha ugu badan ee keenay wax u badan oo dadka wax tixraacaan sheegeen in ay ahayd cadaalad daro iyo qabyaalad ka dhacaday wadanka gudihiisa, kaas oo uu garwadeen ka ahaa Maxamed siyaad bare, qabayaaladaasi waxay ahayd mid baahsan oo samayn xoogan ku yeelatay dadkii ku noolaa gayigan maanta barwaaqada iyo nabada ku naaloonaya ee Somaliland, Cadaalad daradaasi waa mid aan ku eekaan dadkii lugula kacay laakiin samaynteeda iyo waxyeeladeedu gaadhay Dadkii islahaa Waxabaad xoog ku maamuli kartaan, Taas oo ugu dambayntii keentay mida 20 sano ka jirtay geyiga koonfureed ee somalidu degto, Hadaba ogow oo in cadaalad darada iyo xaqdarada lugula kaco bulsho meel ku dhaqani ay suurto gal tahay ahna mid la hubo in cidhib dambe oo xun ku reebto dadkii ku kacay cadaalad daradaas.

Waxaa ka jira Somaliland tabashooyin badan oo xaga beelaha ah iyo kuwo shaqsiaydeed kuwaas oo Hadii aan si degdeg ah wax looga qaban keeni kara cawaaqib xumo ka dhalatay oo cidhibta dambe ka dhigi kara mid geyigan aynu ku noolnahay noqodo mid burbursan sida somaliyada koonfureed ee aynu jaarka nahayba haysata.

Gobolada Barri ee Somaliland waa kuwo madaxtooyada Somaliland iyo guud ahaan dalka laga jecelyahay in ay kamid noqdaan Somaliland dadkoodu sida dhulkuba Somaliland u yahay, halka kuwa galbeedna la rajaynayo iyagana sidaas oo kale, laakiin taasi maaha mid madaxtooyada Somaliland ka jirta waayo waa mid daah laga saaray bulshooyinkaa gobolada bari iyo kuwa galbeed ku dhaqan oo sidii cadaalada ahayd aan loo raacin, xaga horumarka iyo maamul daadajenta taas oo keentay dhibta maanta ka taagan, waxaan ka warqabnaa in reer awdal si xilkasnimo leh usoo magacaabeen odayaal kuwaas oo ka arimiya arinka mugdiga leh ee ka jira dalka ee u janjeedha qabyaalada, laakiin maamulkoodi waxa loo saaray wasiiro aan shaqo ku lahayn, ogow oo wasiiradu waa kuwii meel madow ku aansixiyey Khilaafkii dhawaan ka dhacay baliga diiriye guuleed ee sababay dhaawaca ciidanka, taasina waa mid aanay ka waantobin Madaxtooyadu, mida bulshadu la yaabantahay waa tan ah arin kasta oo dhaca in loo saaro wefti aan ahayn ehelkii arinkaas wax laga weydiin lahaa taas oo naanays u bixisay madaxtooyada iyo dawlada hada, (Dawladii Gudida), Ogow oo gudida la diraana maaha kuwo arin lugu farxo oo bulshadaas loo diray farxada geliya wax xaq iyo cadaalad ahna kasoo saara.

Hadaba maxay tani u dhacaysaa iyada oo la ogyahan waxyaabihii laga dhaxlay cadaalad daradii iyo qaxdaradii dawladii hore ee siyaad bare ee uu ku hayey bulshadan.