Mooshin ku Saabsan Qaab Cusub oo Xilka Lagaga Qaadayo Maayarada Dalka oo Golaha Wakiillada la Horkeenayo

Hargeysa(SLpost)- Xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay wadaan xildhibaanno tiro badan oo ku wajahan mooshin ku saabsan in maayarada dalka codka lagaga qaadi karo laguna dooran karo codayn hal cod dheeri ah oo lagu wado in la hor keeno kalfadhigga 29-aad ee golaha wakiillada Somaliland oo dhawaan Furmay. sidaana waxa noo xaqiijiyay illo wareedyo xogoggaal ah oo ka ag dhow golaha Wakiillada oo arrimahan si weyn ugu dhuun dalloola.

Illo wareedyadani waxa ay tibaaxeen in xildhibaanadda mooshin wataa ay yihiin aqlibayda xildhibaanada golaha wakiilada, waxaanay ku sababeeyeen asbaabaha kalifay mooshinkani in ay tahay kaddib markii ay maayarada dalku ku amar ku taagleeyeen kunna takri faleen awoodahooda, iyaga oo dheg jalaq u siin waayay

in ay u soo fadhiistaan oo ay tallo wadaag yeeshaan xildhibaanadii kale ee golayaasha deegaanka ee sida isku midka ah loo soo wada doortay iyaga iyo maayaradaba.

Maaha markii u horaysay ee la hor keeno golaha wakiilada mooshinkan oo kale, iyada oo kalfadhigii 27-aad ee golaha wakiillada hore loo hor keenay mooshin kan oo kale ah, oo ay xilligan wadeen xildhibaanno aannay tiradoodu badnayn taas oo keentay in la hakiyo meel marinta mooshinkan, balse mooshinkan ay hadda wadaan xildhibaanadu waxa uu kaga duwan yahay kii noociisa ahaa ee ka horeeyay waxa wada oo isku raacsan mooshinkan xildhibaano badan oo ah aqlabiyadda golaha wakiillada, taas oo suurtagal ka dhiggaysa sida la odorasayo in goluhu cod aqlabiyad ah uu ku meel mariyo mooshinkan.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland.

Source- Waaheen