Moorgan oo Ku Tawaawacay in ay Somaliland Weerarada Joogtada ah ka Dayso Kooxda Nabad-diidka Khaatumo

Hargaysa(SLpost)-General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ahaa taliyihii Waqooyi galbeed(Somaliland) ee wakhtigii dawladii Siyaad Bare ayaa fariin calaacal ah oo ku saabsan kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo u soo diray Xukuumadda Somaliland.

General Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa  shacabka reer Somaliland ku tirinayaan inuu hore gumaad shacab uga gaystay dhulkii waqooyi galbeed(Somaliland) oo uu ka talin jiray wakhtigii dawladii milatariga ahayd ee Somaliya ee uu xukumayay Siyaad Bare

“Waxaan leenahay Khaatumo State waxay ku baaqday midnimo, horumar iyo nabad.  Somaliland waxaan leeyahay inay Khaatumo ixtiraamto, in ay ixtiraamto maamulka cusub, in ay ixtiraamto xuduudaha, in ay weerarada joogtada ah haddii kale waanu iska celinaynaa” Ayuu hadal gaaban ku yidhi General Morgan.

General Mogran ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad kooxda Khaatumo qabsanaysay.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland