Mo Farah oo Rikoodh Cusub u dhigay Tartanka Orodka Adduunka ee labada Mayl

Birmingham (SLpost)- Orodyahanka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska, Maxamed Faarax (Mo Farah), ayaa rikoodh cusub u dhigay tartannada orodka Adduunka, isaga oo ku guulaystay ku guuleystay Orodka Dhererkiisu yahay labada Mayl.

Tartankan oo loogu magac-daray Birmingham Indoor Grand Prix, maatana lagu qabtay magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Ingiriiska, waxa uu masaafada Laba Mayl (3.2 KM) ku dhammaystiray 8 daqiiqo iyo 34 ilbidhiqsi.

Mo Farah oo Rikoodh Cusub u dhigay Tartanka Orodka Adduunka ee labada MaylMaxamed Faarax oo ay maalmahan baraha bulshada isugu jawaabayeen orodyahanka asal ahaan u dhashay dalka Ingiriiska oo ay magaciisa kaga qayb-galaan tartannada caalamiga ah, Andy Vernon, kaas oo cunsuriyad midab-takoor ah kula kacay balse ay dunidu indhaha ka qarsatay, ayaa falkaas kaga jawaabay guushan wax ku oolka ah ee uu caawa ku gaadhay magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska inuu yahay orodyahanka caalamka ee xilligan.

Markii uu ordayay 400 mitir ayay cadaatay in Mo Farah jebinayo rikoodhkii adduunka ee uu orodkan loo yaqaano Indoor Grand Prix 2008 dii u dhigay orodyahanka reer Kenya ee Kenenisa Bekele.

Bekele ayaa 2008 dii ku dhamaystiran orodka Labada Mayl ah, 8 daqiiqo iyo 4.35 ilbidhiqsi halka ay Mo Farah kaga qaadatay, 8 daqiiqo iyo 03.40 ilbidhiqsi,  kaas oo ah rikoodh cusub oo uu dunida u dhigay.

HALKAN KA DAAWO