MM Kastan oo Maanta si Heer-qaran ah loogu Aasay Hargeysa iyo Weedhaha laga yidhi Shakhsiyaddiisii iyo Doorkii uu ku lahaa Saxaafadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Alle Naxariistii Janno ha ka waraabiyo ee Maxamed Maxamuud Kastan oo caan ku ahaa (MM Kastan), isla markaana ahaa Qoraa iyo Suxufi Ruug-caddaa ah oo ka mid ahaa xubnihii seeska u dhigay Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, ayaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyey Xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga magaalada Hargeysa, ka dib markii uu shalay Fiidkii ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

faXubno ka mid ah Ruug-caddaaga Saxaafadda Somaliland ee ay soo wada-shaqeeyeen Marxuumka iyo Shakhsiyaad  aqoon dheer u lahaa MM Kastam ayaa ka war-bixiyey  taariikh-nololeedkiisii iyo shaqsiyaddii Allaah ha u naxariistee Marxuumka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WIXII LAGA YIDHI SHAKHSIYADDA MARXUUMKA