MM Kastan: Mid ka mid ah Udub-dhexaadka iyo Ruug-caddaaga Bahda Saxaafadda Somaliland oo maanta Geeriyooday

Hargysa (SLpost)- Allah naxariistii Janno haka waraabiyo Maxamed Maxamuud Kastam oo ahaa Qoraa ruug-caddaa ah oo muddo badan ku soo dhe-jiray bah-weynta Saxaafadda Somaliland oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii rukunnada u taagay, isla markaana Buugaag kala duwan qoray,  ayaa maanta ku geeriyooday gurigiisii uu ka degganaa magaalada Hargeysa.
kastanMarxuum Maxamed Maxamuud Kastam oo dad badani u yaqaaneen MM.Kastam oo uu caan ku ahaa, waxa geeridiisa la ogaaday maanta gelinkii dambe, isagoo shalayto caafimaad-qabay kuna hoyday gurigiisa oo uu wakhtigan keligii degganaa, maaddaama oo Qoyskiisa ku dhaqan yihiin dalka dibeddiisa , balse waxa uu lahaa Xanuunnada Macaanka iyo Dhiig-karka.

Allaah ha u naxariistee MM. Kastam, waa Rukun iyo tiir-dhexaad ka baxay bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Saxaafadda Somaliland, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland, waxaanu ka soo shaqeeyey Wargeysyada Xorriyo, Jamhuuriya.

Waxa uu La-taliye dhinaca Saxaafadda iyo Wax-soo-saarka ah iyo tayeynta Barnaamijyada ah ka noqday Horn Cable TV iyo Telefeshinka Qaranka Somaliland, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Warbaahin badan oo Somaliland hadda ka jirta oo uu fikirkeeda iyo hirgelinteedaba ka qayb-qaatay.

Waxa uu qoray Buugaag badan oo kala duwan, waa ruux kaalintiisu ku bannaanaatay caawa Warbaahinta Somaliland iyo guud ahaanba Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha iyo qoraayada Soomaaliyeed-ba.

Haddaannu nahay Bahda SOMALILANDPOST.NET waxaannu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Axaabta iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ta Somaliland oo aannu leenahay Illaahay Samir iyo Iimaan Saadiq ah ha innaga siiyo Maxamed Maxamuud Kastam, Marxuumkana Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo oo qabriga ha u nuuriyo. Inkasta oo aan weli rasmi loo muddaynin wakhtiga la aasi doono, balse waxa suuragal ah in maalinta Berri ah haddii Illaahay yidhaahdo Marxuumka si weyn loogu aaso magaalada Hargeysa ee uu caawa ku geeriyooday.

 

SOMALILANDPOST.NET