Miyayna Ahayn Waxa Lala Yaabo In Beesha Muuse Dhariyo Ay Ka Qatan Tahay Saamiga Qaybsiga Somaliland?

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Badan Iyo Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland.

Bacda Salaan, waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka qoro ama ka idhaahdo mawduuca aan ciwaanka uga dhigay maqaalkaygan “Miyayna Ahayn Waxa Lala Yaabo In Beesha Muuse Dhariyo Ay Ka Qadan Tahay Saamiga Qaybsiga Somaliland ” runtii maaha markii ugu horreysay ee wax laga qoro

Reer Somaliland Oo Wax Ku Qaybsada Nidaamka Qabaa’ilku Siday Uga Dhex Muuqdaan Xukuumadda Siilaanyo, Iyadoo Ah Cashuur Bixiyaal Waxay Ahayd In Wixii Uu Xaq U Leeyahay La Siiyo Balse May Dhicin, Hadaba Waxay Ka Mid Tahay Beelaha Dhibta Ugu Badan Ka Tirsanaya Saami Qaybsiga Xukumadaa Axmed Maxamed Mohamed Siilaanyo,

Markaana Miyuu Iloobay Inuu Madaxweyne U Yahay Somaliland Oo Dhan Ee Aanu Madaxweyne U Ahayn In Beelo Gaar Ah

Su’aasha Qof Kasta Oo Caqli Lihi Isweydiin Kara Waxay Tahay Siday Ku Dhacday In Beesha Sheikh Muuse Dhariyo Ay Saamigii Qaranka Dalka Ay Ku Lahaayeen Ku Waayeen Maxay Tahay,

“Xukumada Madaxweyne Siilaanyo Ee Arrintan Garwadeenka Ka Ah Waxaan Ka Rabnaa Cadaalad Iyo Sinnaan , Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland” , Guntii Iyo Gunaanadkii Waxa Aan Ku Soo Gabo Gabayn Lahaa Maqaalkaygan Kooban , Waxa Aan U Soo Jeedin Lahaa Xukumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Muxumed Siilaanyo In Ay Dib Ugu Noqoto Saami Qaybsiga Beelaha Dalka Si Ay Somaliland U Noqoto Qaran Beel Welibana Uga Dhexmuuqto Saamiga Dalka

 

Qalinkii: Mohamed Abdi Jamac

Email: Mohamedudoode@hotmail.com