Miyaa lagugu Toley?!!!!

Isagoo xarago la tiicaya sidaa diigana u talaabsanaya ayuu dhanka midig wadiiqo yar oo wadada weyn kaga soo dhacda  mudh kasoo yidhi, waxa uu usii jeeda dhankaa iyo maqaaxida camiran oo casarkii caruur iyo ciroolaba il yartu is qabato, sheeko nooc walbana lagu qaada dhigo, shaah iyo sharaab midkii la doonana laga cabo ayaa waxa isna meel aan saa uga sii dheerayn baabuur kaga soo dagey odey caawiye oo ah nin agaa iyo agaagaarka aad looga yaqiin bulshada u ku dhex nool yaheyna  magac iyo waji fiican ba ku leh.

 

Judhiiba waxey indhihiisu ku dhaceen mijaha aanad birqaabka ka garan dhuudhuubnida ee hortiisa sii talaabsanaya, iyo niyad ka hadalkiisii “ haba dhuubnaadane dharkuna waa sidee” Cajiib!! Wuxu dib u milicsadey waayihiisi dhalinyaranimo iyo faraqa weyn ee u dhaxeeya isaga iyo wiilkan dhalinyarada ah ee uu hada u jeedo.

 

Waxbdaniba kamay soo wareegin goortii uu cawaale soo gaadhey goobtii uu kusoo aadanaa , odey caawiyena wuu ku daba jirey oo kama dheerayn isla kobtaasna fadhigiisu wuu ahaa. Jaba waaka danbeeyee, wiilkii Cawaale ahaa halkan ayuu salaan diiran ku qaabiley koox wiilal ah oo gadihiisa ah, cagidiiba kursi baa halkan looga soo jiidey, laakiin yaa u fadhiisan. Sheeko!!! Kursiguu dabadda saareyba sa waaba surwaalkii oo ilaa meel alle ogyahay dawaarkii furmey.

 

Odey caawiye oo ilaa goorahanba afku  u hulhulayey kana horjoogey inbadan inuu hadalo ku tuurtuuro Cawaale ayaa intuu usoo dhawaadey cod laga wada maqley maqaaxida inteeda badan ku yidhi;

Adeer Miyaa lagugu toley surwaalka?!!!

 

Hibafaakhir@gmail.com

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)