Mirqaankii Reerka Rogay!

 

 

Saaka iyada oo faraxsan bay guriga ka baxday. Sidii ay adeeggii qadada suuqa u ga doontay, ayay imaka u socotaa. Waa kow iyo tobankii habeennimo. Wax kaste oo dhacay, sida ay u dhaceen cid ogayd ma jirin. In ay Canab umushay cid ogayd ma jirin. In ay suuqa ku dhexfoolatay oo ay sakaraadday cid ogayd ma jirin. In ay Faadumo sidaas u baaqatay oo ay Canab dhakhtarka ula carartay, halkaasna joogtay ilaa caawa cid ogayd ma jirin. Ina Afyare lafteedu in ay qayisho maanta ka hor cid ogayd ma jirin. Waayo, haddii ay Faadumo sidaas wax u la socoto, dhib kaste oo jirta, haddana carruurteeda gabadh qayisha adeeggaba u gu ma soo dhiibteen.

 

 

Inantii xaafadda ka shaqaynaysay, in ay Maxamed-yare saaka dishay, dabadeedna odaygu ku xanaaqay oo aanay gurigaba joogin, Faadumo looma sheegin, kama na war hayso. Carruurta yaryari in aanay maanta qadayn galabtana casariyayn, caawana cashayn cid ogayd ma jirin. In ay dhinteen iyo ay dhereg la seexdeen la ma ka la garanayn, waayo cid ba la ma joogin. Inanka dukaanka laftiisu mar na isma odhan bacdan meesha la ga ga tagay, bal fiiri waxa ku jira.

 

Odaygu, isma odhan inantii waadigii eryay ee islaanta carruurta ku sin. Mar allaale markii ay tobankii gaadhay, waa kii xaraaradooday ee kolaygii Ina Gaafane isku sii daayey. Ileen is muu lahayn, Faadumo way so habsaamaysaa, iyo xitaa way maqnaanaysaa toonee, waa kii  carruurtiisii albaabka dusha ka ga sii handaraabay, ee sidaas ku qaad doontay!

 

Waa kow iyo tobankii habeennimo, goortan ay Faadumo iyo xaajigeedu socdaan. Haa, imaka ayay albaabka ku kulmeen. Wixii uu falay buu og yahay e, waa kaas la soo booday ” Naa, ma imaka ayaad socotaa?” iyo “Maxaa dhacay?” Labadaas weedhood  baa dhexmaray Faadumo iyo Quulle intii aanay albaabka guriga jebin.

 

Faadumo markii ay albaabka sii gelaysay, isma ay lahayn, waad dhimanaysaa. Carruutaadii baa dhimatay, oo maanta maqaariibtii baahi u lee’atay na ka ma ay fakerin ba. Odaygaaga ayaa inta uu aqalka sii xidhay qaad iska doontay, iyo gabadhii Ina Afyare ayaa qadadii dukaan ku ilowday, oo guri ay ku qayisho iska fadhiisatay, iyo inantii baa la eryay toonna, Faadumo mar na ma sawiran.

 

In ay iyada lafteedu dhimatay wax ay caadi u garatay, markii ay iilka sii galaysay. Indhaheedu wax ay qabtaan maydkii carruurteeda ayaa u gu danbeeyay. Cod ay dhegaheedu maqlaanna baastooladdii xaajigeeda ayaa u gu danbaysay. Haa, intii aanay iilkan galin, shanqadha keebka la cabbaynnayo iyo gacanta xaggeeda u soo taagan baa adduun u gu war danbaysay.

 

Farxaddii ay saaka, la jarmaaday iyo samihii ay u fashay, saaxiibaddeed Canab ayaad iil ku gelaysaaba, isma ay lahayn. Qaad baa se galaaftay. Qalad alle ku riddii Ina Afyare iyo Aabbihii wa*ihii qabay baa nolosheedii iyo tii carruurteedaba ku mirqaamay.

 

Mirqaankaas baa wax walba sida ay yihiin ka dhigay. Isaga ayaa farxaddii sidan u rogay. Isaga laftiisa, ayaa xabaddii rasaasta ahayd ee baastooladda ku hadhay, dibadda u soo saaray, isaga oo sii dhexmarinaaya dhafoorkii madoobaa ee Quulle! Haa, mirqaan baa reerka oo dhan rogay. Habeenkana madoobeeyay!

 

W/Q: Axmed-Khaliif Maxamed Jaamac

khaliif_d3@hotmail.com

Qaahira, Masar

22th Nov,2015