MINNESOTA: Waalidiin Soomaali ah oo ka Cawday Ubadkooda oo la Maxakamadaynayo

Minnesota(SLpost)- Dhallinyaro Soomaali Mareykan ah ayaa shalay maxkamad la soo taagey. Dhalinyaradan oo tiradoodu tahay shan waxaa horey loogu eedeeyey in ay doonayeen in ay ku biiraan ururka ISIS, waxaanay dacwadooda cusub tahay in ay doonayeen in ay dad ku soo dilaan meel ka baxsan Mareykanka oo dibada ah.

 

Waalidiinta dhalinyaradan ayaa ku doodaya inaanu ubadkoodu wax dambi ah lahayn, islamarkaana dusha laga saarayo eedo aanay galin. Waxay sheegeen in dhalinyarada caddaadis la saarayo si ay u qirtaan inay dambi galeen. Waxaana qaarkood loo diiday inay dadkoodu arkaan, siday sheegeen waalidiin la hadlay idaacadda VOA-da.

 

“Waa wax ay kolba iyagu jeebkooda kala soo baxayaan, hadday wax hayaan maalintii hore ayay keeni lahaayeen, markaa ma garanayo oo waa wax ay iyagu kolba soo samaysanayaan. Mar bay nagu yidhaahdeen haddaydaan dambiga qaadan waxaanu idiin soo saari eedo cusub oo ah inay dhalinyaradu doonayeen inay dad dilaan oo lagu xukumi doono,” ayay tidhi Hooyo Farxiya Faarax Maxamed

 

Faadumo Cabdillaahi Xuseen, ayaa iyana sheegaysa in wiilkeeda si xun loola dhaqmay loona diiday in la arko “ Eedaha loo soo jeediyay waa kuwo aanay waxba ka jirin. Wiilashaasi waxay dilayeenna ma leh, waxay hadda dilayaana ma jiro. Markaa waa dambi aanay galabsan oo la dulsaaray. Wiilkayga si xun ayay ula dhaqmeen, 23 saac ayuu ku jiraa meel, si bani aadanimada ka baxsan ayay ula dhaqmeen, waana la arkayay inuu ka duwanaa caruurta kale. Waxay igu dhaheen meesha wiilkaagu ku jiro bookhasho ma leh,” ayay tidhi Faadumo.

 

Sheekh Xasan Cali Maxamuud, oo ah sharci yaqaan, qaybna ka ah dadka qaybta ka ah dacwada socota ayaa sheegay in eeda ah in dhalinyaradani dilaysay dad badan xukunkeedu yahay xabsi daayim ama madaxaa ha ku furto. Waxa uu sheegay in eedahani u muuqdaan kuwo muslimiinta lagu caddaadinayo.