Milicsiga Wargeyska Dhadhaarada Oo La Kala Bedelaa Dheriga Ma Macaaneeyaan

Hargeysa(Spost)- Somaliland, wuxuu habeenimadii Isniintu soo galaysay xil ka qaadis, magacaabis iyo isku shaandhayn ku sameeyay qaybo ka mid ah golihiisa xukuumadda.

Go’aankan Madaxweyne Siilaanyo oo muddo la sugayay, waxa lagu eekaysiiyay 18 masuul oo isugu jira wasiiro, wasiir-xigeeno, badhasaabbo iyo maareeyayaal, waxaana dabcan la garwaaqsan karaa in Madaxweynuhu talaabadan qaaday ka dib dhaliilo uu arkay oo kaga yimid bulshada, kuwaas oo sabab u noqday inuu sidan sameeyo si uu ugu yaraan isugu dayo inuu shacabka doortay qanciyo islamarkaana uu taageero ugu raadsado.

Talaabadan Madaxweyne Siilaanyo qaaday ayaa noqotay mid dad badan oo sugayay in Madaxweynuhu soo kordhiyo isbedel togan, ku keentay inay candhuuftooda dib u liqaan, maadaama aanu Madaxweynuhu soo kordhin isbedelkii ay dad badani mudada dheer sugayeen, isla markaana aanu taaban wasaarado iyo haayado in badan oo ka mid ah dadka siyaasadda Somaliland falanqeeyaa ay u arkayeen in ay isbeddel iyo xoojin ama horumarin siyaasi ah iyo mid maamulba u baahan yihiin.

Bulshadu, waxa ay madaxweynaha ka sugaysay inuu isbedelkiisa kaga jawaabo tabashooyinka ay qabaan ee dhinacyada siyaasadda gudaha, siyaasadda dibadda, sicir bararka dhaqaalaha dalka aafeeyey, khilaafka soo noq-noqda ee masuuliyiinta qaarkood, qaybsanaanta bulshada ee durugtay iyo arrimo kale oo bulshada ku habsaday lixdii sanadood ee uu talada hayay.

Talaabadan Madaxweyne Siilaanyo kama ay jawaabin dareennadii bulshada, in aanay isku shaandhaynta iyo xil ka qaadistani ahayn mid macno badan samaynaysana waxaa laga dheehan karaa in 18 masuul oo go’aanka madaxweynuhu saameeyay saddex xubnood oo keliya yihiin wejiyo cusub, halka uu sidoo kale keliya xilka ka qaaday saddex masuul kuwaas oo weliba laba ka mid ah lagu calaamadiyey magac ku cusub saaxadda siyaasadda rayidka ah ee dunida, kaas oo ah xil-suge, maalmihii u dambeeyeyna rugaha bulshadu ku kulanto iyo bar-kulannada bulsho ee internet ka ay inta badan ee shacabka Somaliland ka sheegayeen aragti aad uga biyo-diidsan.

Waxaana markaas la arkayaa in madaxweynuhu tabashadii bulshada ee uu isaga laftiisa markii uu arkay uu talaabadan qaaday uu kaga jawaabay isku bedelka masuuliyiinta xukuumadiisa. Marka ay sidaas tahayna waxa loo arkay in digreetadan u dambaysay ee madaxweyne Siilaanyo lagaga jawaabi karo, “Madaxweyne dhadhaarada oo la kala bedelaa dheriga ma macaaneeyaan.”

Waxaanay Madaxweyne shacabkii ku doortay kaa sugayaan inaad ka jawaabto dhaliilaha ka muuqda xukuumadadaada oo aad samayso talaabo shacabka qancisa oo aad si wax-ku-ool ah u dhaydo boogaha shacabku dhibsadeen ee xukuumaddaada ka muuqda.

Geeska