Milicsiga Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii. Q.5aad – W/Q: Cali Cabdi Coomay

cali coomayKu Biriidii Dagaalka ee Midowga Soofiyadka

Hase yeeshee, markii ay ciidamada Soomaalidu u jihaysteen dhinaca Addis Ababa waxaa dagaalka si toos ah u soo galay ciidamada quwaddii Midowga Soofiteei, Yemen, Kuuba, Liibiya, iyo kuwa kale. Dawladdii Midowgii Soofiyeeti oo Soomaalidu xidhiidhka u jartay badhtamihii Noofeember 1977-kii, laga saaray Soomaaliya, ayaa waxay si toos ah uga soo jeesteen dhinaca Itoobiya. Waxay siiyeen Itoobiya wax kasta oo lagu jabin karo ciidamada Soomaaliya, dhaqaale, milateri, siyaasad iyo xadhiidhka caalamkaba. Isla markiiba waxay Soofiyeetku u soo rareen Itoobiya diyaaradaha dagaalka ee MIG-17, MIG-21, taankiyada T-54 iyo T-55, helikoobtaro waawayn nooca Mi-6 iyo Mi-8, baabuurta waawayn BTR 152, noocyada gantaallada BM-21, gantaallada ka hortaga taankiyada, iyo hub noocyo kala duwan aad u fara badan, taasoo lagu qiyaasay adduun gaadhaya balaayiin doolar.

Ciidamada Soomaaliyeed oo Soofiyeetku soo tababaray, siiyay hubka ay ku dagaalamayaan intiisa badan, isla markaana yaqaan awoodda iyo qaab dagaalkooda, wuxuu si toos ah ugu hawlgalay burburintooda. Saraakiishii usbuucyo ka hor joogay dhinaca Soomaaliya ee Soofiyeetka ahaa waxay ka soo jeesteen dhinaca Itoobiya sida Jeneraal Grigory Barisov, iyo kuwa kale. Dhinaca kale waxaa dagaalka soo galay ciidamo Kuubaan ah oo gaadhaya in ka badan 20,000 uu hoggaaminayay Jeneraal Arnaldo Ocha, ayna u dhan yihiin dhammaan hubka iyo saanadda ciidamadu, iyagoo ah awood aad u hubaysan. Waxay noqotay in Itoobiya ay heshay awood ciidan oo aad uga fara badan intii ay ka codsatay saaxiibadeed, halka Soomaalidu ay noqotay kaligeed in kasta oo dawladaha carabta qaarkood ka kaalmeeyeen dhinaca saadka.

Dhinaca kale, maadaama ciidamada Soomaalidu ay gudaha u sii galeen Itoobiya, waxay dadwaynaha halkaas ku nooli noqdeen kuwa aan u soo dhawayn sidii dadwaynihii ay soo marayeen markii ay qabsanayeen dhulal badan oo Soomaali-Galbeed ah, iyadoo ciidanka Soomaaliduna uu sii galay dhul buuro dhaadheer leh, oo ku noqday caqabad. Ilaa dhammaadkii Jannaayo dagaalku wuxuu si aad ah uga socday Harar iyo dhinaca waddooyinka iyo buuralayda taga Hawaash. Ciidamada Soomaaliyeed oo muujiyay dagaal aad u qadhaadh oo geesinnimo xad-dhaaf ah wadata, ayay waxay la dagaal galeen ciidamadii isbahaysiga, iyagoo muddo dhowr bilood ah ku dagaalamayay dagaal ka yaabiyay isla Soofiyeetkii soo tababaray Ciidamada Soomaaliyeed. Intaas kaddib ciidamadii isbahaysigu waxay xoojiyeen weeraradooda bilihii Diiseember, Jeenawari iyo Feebarwari.

Ugu dambayntii ciidamadii Soomaaliyeed waxay noqdeen kuwa la go’doomiyo oo xitaa diyaaradaha huwantu garaacaan xadka gobollada waqooyi ee Soomaaliyeed. Markii ay ciidamadii Soomaaliyeed muujiyeen dagaal aad u xirfadaysan ayay ciidamadii huwantu waxay go’aansadeen in la sameeyo istiraatijiyad cusub oo lagu jabiyo ciidamada Soomaaliyeed kaddib markii ay Soomaalidu fashilisay dhammaan istiraatijiyadihii ay huwantu ku dagaal galaysay. Waxaa la aasaasay Golaha Sare ee Istiraatijiyadda Milateri, kaasoo ka koobnaa saraakiil sare oo ah Itoobiya, Midowgii Soofiyeeti, iyo Kuuba uuna hoggaaminayay Jeneraal Vasilii Ivanovich Petrov, ahaana Taliye-ku-xigeenka koowaad ee ciidamada lugta ee USSR (Midowga Soofiyeeti). Laga bilaabo Febraayo, ciidamadii huwantu waxay si xaad dhaaf ah u soo weerareen ciidamadii Soomaaliyeed, iyagoo dhinac walba haystay wixii ay u baahdaan, halka ciidamada Soomaaliyeed ay ka muuqatay daal fara badan, saadkii oo ka sii gabaabsi noqday, iyo iyagoo aad ugu sii fogaaday furintii dagaalka.

Waxaa intaas dheeraa iyadoo isbahaysigii huwantu ay dhinaca xidhiidhka caalamka uga dheereeyeen dawladdii Soomaaliyeed, una tuseen caalamka dawlad gardarro ku qabsatay Itoobiya. Dawlado yar mooyaane intii kale waxay si toos ah iyo si dadbanba u taageerayeen dawladdii Itoobiya. Dagaalku wuxuu si toos ah u dhexmaray ciidamada Kuuba iyo Ruushka oo dhinac ah iyo ciidamada Soomaaliya, halka Itoobiyaanku ay intoodii badnayd saaxadda ka baxeen, maleeshiyooyin cusubna ay meelaha laga qabsado Soomaalida dagayeen. Ciidamadii Soomaaliyeed waxay muujiyeen difaacid aad u adag dhammaan meelihii ay qabsadeen, gaar ahaan Jigjiga oo dagaalka ugu qadhaadh ay huwantu ku soo qaadeen.

Kadib markii ay ciidamadii huwantu jabin kari waayeen difaacii ciidamada Soomaaliyeed, waxay ku daabuleen ciidamo iyo hub diyaaradaha waawayn ee Soofiyeetka ee qaada hubka waawayn iyo ciidamada, nooca Mi-8. Waxayna ku daadiyeen ciidamo wax walba u dhan yihiin gadaasha dambe ee dhabarka ciidamada Soomaaliyeed, iyagoo isla markaana isugu darayay duqayn cirka ah iyo dagaal toos oo dib lagaga keenayay ciidamada Soomaaliyeed.

Diyaaradaha Ruushku waxay duqayn ba’an u gaysteen Hargaysa, iyo dekedda Berbera oo dhawr bilood ka hor u ahayd Soofiyeetka Saldhigga milateri ugu wayn ee ay halkaas ku lahaayeen, iyagoo ka hortagayay in gurmadka ciidamada Soomaaliyeed halkaas yimaado. Ciidamadii Soomaaliyeed ee Jigjiga difaacayay waxay muujiyeen geesinnimo xad-dhaaf ah, iyagoo aan haysan wax saad u imanayay, go’doon laga dhigay, lagana hub iyo ciidan badnaa. Ciidamadii Soomaaliyeed ee gudaha u galay Itoobiya waxay ku qasbanaadeen inay dib uga soo baxaan dhammaan goobihii ay qabsadeen, gaar ahaan Jigjiga oo ahayd halkii dagaalku ugu qadhaadhaa.

Waxaa la isku raacay in haddii aanay sidaas yeelin la hareerayn lahaa, lana xasuuqi lahaa. Horraantii bishii Maarij Jigjiga waxay gacanta u gashay ciidamadii huwanta, iyadoo dawladdii Itoobiyana ay lama filaan ku noqotay guushaasi. Hoggaamiyihii Itoobiya Mengistu isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu yidhi: “Guushani ma ahan mid kaliya Itoobiya u soo hoyatay, balse waa guul ay gaadheen dhammaan shaqaalaha adduunka”. Intaa wixii ka dambeeyay dagaalku wuxuu isku rogay mid ah ciidamada Soomaalida oo guuraya iyo kuwa huwanta oo degaya goobihii dhulka Soomaali-galbeed ee hore ciidamada Soomaaliyeed u haysteen.

Marka dib loo qiimeeyo dagaalkaas, waxaa la odhan karaa haddii Itoobiya aanay heli lahayn caawinta quwadaha shisheeye dhulka Soomaali-galbeed wuxuu ku jiri lahaa gacanta Soomaaliyeed. Waxaa kale oo la odhan karaa caawinta quwadaha shisheeye waxay wax ka badashay siyaasaddii iyo nidaamkii dawladnimo ee Soomaaliya maadaama dagaalka ay ka dhasheen khasaarooyin fara badan, sida dhaqaalihii oo hoos u dhacay, xidhiidhkii caalamka oo wiiqmay, iyo jabhado qaab beeleed u habaysan oo ku kacay dawladdii Soomaaliya. Balse, sida ay meelo badan ku qireen Itoobiyaanka iyo Kuubaankuba, ciidamadii Soomaaliya ee ka dagaalamay Itoobiya waxay muujiyeen geesinnimo iyo hawl-karnimo xad dhaaf ah, taasoo keentay in meelo badan oo taariikhda ah lagu xuso in la yidhaahdo: ‘waddankii Afrikaan ah ee isla hela inuu gaadho tababarka ciidamada cirka Itoobiya iyo tababarka ciidamadii dhulka Soomaaliya wuxuu dhisan karaa ciidamada lagu riyoodo ee Afrika’. Dadka qaar ayaa ku dooda in haddii ciidamada Soomaaliya ay ku eekaan lahaayeen kaliya dhulka loo yaqaan Ogaden, ay markaas si fiican u difaacan kari lahaayeen, balse markii ay ku sii fogaadeen gudaha buuralayda ee dhanka shishe ee Harar iyo Dire-Dawa, isla markaana quwado shisheeye soo galeen dagaalka waxay noqdeen kuwa aan hayn karin guulihii ay gaadheen.

 

Qallinkii: Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Colaadihii Geeska… Cali Cabdi Coomay

La soco……