Milatariga Somaliland oo gaadhay Taleex, Cali Khaliif oo Baxsaday iyo Burbur ku dhacay Shirkii Kooxda Khaatumo

Taleex (SLpost)- Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa maanta gelinkii hore la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo shir uga socday kooxda la baxday Khaatumo.

TaleexTaliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeeye Gaas Ismaaciil Shaqalle oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa gelitaanka ciidamada ee magaalada Taleex ku micneeyey hawl-gal caadi ah oo lagu sugaayo amniga xuduudaha Somaliland

Jeneraal Ismaaciil Shaqalle oo la weydiiyey in ujeeddada ciidankiisu ku galeen magaalada Taleex ay tahay inay is hortaagaan shirka Kooxda Khaatumo ee beryahanba halkaasi uga socday, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland amar ku bixisay in aan xuduudada Somaliland aan lagu qaban karin shir aan fasax looga qaadan.

ciidanWararka ka imanaya magaalada Taleex, ayaa sheegaya inay magaalada Isaga baxeen dhammaan siyaasiyiintii iyo madax dhaqameedkii ka qeyb galayay shirka ka socday Taleex, ciidammada Somaliland-na bannaanka ka joogaan magaalada.

Hawl-gal noocan oo kale ah, ayaa ciidamada Somaliland 15-kii bishii Apriil ee sannadkan kula qabsadeen magaalada Taleex balse markii danbe ay iskood uga soo baxeen ka dib kulamo ay saraakiisha ciidamadu la qaateen Oday-dhaqameedka iyo wax-garadka magaalada Taleex.

SOMALILANDPOST.NET