Milatariga Itoobiya oo Dad Shacab ah ku laayey nawaaxiga Xuduudka ay wadaagaan Somaliland

Wajaale (SLpost)- Dad Rakaab ah oo Saarnaa Gaadhi u socday degmada Aw-Barre ee Ismaamulka Soomaalida, ayaa Milatariga Itoobiya ee ku sugan Xuduudda ay wadaagaan Somaliland rasaas ku fureen, waxaana halkaas ku dhinta saddex qof halka lix kalena kalena ku dhaawacmeen.

Ehellada dadka ku dhaawacmay rasaasta Ciidamada Itoobiya ku rideen oo ku sugan degmada Wajaale, ayaa shabakadda Somalilandpost u xaqiijiyey in Dhaawaca ku waxyeelloobay dhacdadaasi ay ku jiraan xaalad liidata, waxaana hadda lagu daawaynayaa cusbitaalka magaalada Aw-Barre ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

WajaaleWararka ayaa intaas ku daraya in Meydadka dadkii ku dhintay dhacdadan oo ay weheliyaan dhaawacyada qaarkood loola cararay dhanka degmada Aw-Barre ee Kilika Shanaad halkaas oo magaalo ahaan iyo adeeg caafimaad ahaanba ugu dhawayd.

Baabuurkan ay mashaqadu qabsatay ayaa la sheegay inuu maanta Gelinkii dambe ka ambabaxay xarunta Ganacsi ee Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee Togwajaale iyaga oo wakhtigaas ku sii jeeday degmada Aw-Barre oo ah degmo ku magaalowday Xeryihii Qaxoontiga, taas oo aad ugu dhow xuduudka Itoobiya iyo Somaliland.

Degmada Aw-Barre ee dalka Itoobiya, ayaa waxa ku yaala wakhtigan Xeryo Qaxoonti oo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR ay raashin ku siiyo dadka ka soo qaxay dhinaca Somalia wakhtiyadii ay dagaallada hoggaamiye kooxeedyada iyo Kooxda Islaamiyiinta ahi ku dagaalamayeen ama dagaalamaan.

Maaha Markii ugu horeysay ee ay Ciidamada Itoobiya si ku-talo-gal ah ugu laayaan gudaha iyo nawaaxiga Xuduudka labada dal u dhexeeya, waxaana dhowr jeer oo hore ay falal noocan ah ku sameeyeen shacab aan waxba galabsan iyo xataa ciidamada Booliska Somaliland ee Koontarabaanka ugaadhsada oo si aan ku-talo gal ahayn gudaha ugu galay xuduudka Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET/Gabiley