Milatariga Ethiopia oo si Rasmi ugu Biiray Hawl-gallada Xooggaga AMISOM ee Somalia

Ethiopian Forces in Somalia
Ethiopian Forces in Somalia
Ethiopian Forces in Somalia

Addis Ababa (SLpost)- Milatariga Dawladda Itoobiya, ayaa si rasmi ah maanta ugu biiray Hawl-gallada ay Ciidamada AMISOM ka wadaag Gudaha dalkaasi Soomaaliya.

War kasoo baxay shalay wasaaradda Gaashaandhiga Ethiopia, ayaa lagu sheegay in ay ciidamada Ethiopia si rasmi ah ugu biireen howlgalka ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Sida ay maanta qoreen warbaahinta dalka Ethiopia oo soo xiganaya war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaan-dhigga dalkaas,  ciidamada xukuumadda Addis-Ababa ayaa maanta ka mid noqday  ciidamada AMISOM ee Soomaaliya kula dagaalama Xarakadda Al-Shabab.

Waxa warkan lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay la shaqeyn doonaan ciidamada Uganda iyo Burundi ee ka hawlgalaya gobolada Shabeelooyinka iyo Baay, halkaas oo ay ka wadaan hawl-gallo milatari ay dagaal ku jiraan xoogagga Kooxda Al-Shabaab oo awood ku leh gobolladaas.

“Ciidamadayadu maanta wixii ka dambeeya waxay ku shaqaynayaan sharciyadda ciidamada AMISOM oo ay maanta  si rasmi ah ugu biireen,” sidaas waxa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dawladda Itoobiya oo lagu baahiyey warbaahinta Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaadhayso 2,000 Askari oo si hordhac ah ugu biiraya xoogagga nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

War-murtiyeedka ka soo baxay waxa sidoo kale lagu sheegay in dawladda Itoobiya ay xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab isla markaana ay xaduudaheeda adkaysan doonto.

Ciidamada Itoobiya oo gobollada Soomaaliya qaarkood in muddo ah ku sugnaa iyaga oo aan ka tirsanayn howlka AMISOM, ayaa waxa soo dhaweeyay Ururka Midawga Afrika xafiiska arrimaha Soomaaliya u qaabilsan.

Howlgalka AMISOM oo Soomaaliya ka bilowday sanadkii 2007, ayaa hadda waxa ku jira ciidamada lix wadan oo Afrikaan ah, kuwaas oo kala Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti, Nigeria iyo Itoobiya, waxaanay dawladda Soomaaliya ee taagta daran ku gacan siiya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabab.

SOMALILANDPOST.NET