Milatariga Al-Qasam oo Gacanka ku dhigay Sarkaalkii labaad ee Ciidamada Israel, Laba Kalena ka Dilay iyo Khasaaraha Soo Gaadhay Shacabka Falastiin

Cairo (SLpost)- Ciidamada Israa’iil ayaa shalay gelinkii dambe dib u bilaabay duqeynta magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta, ka dib markii askari ka tirsan ciidamada la afduubay, wakhti lagu gudo-jiro 72 saacadood oo xabbad-joojin labada dhinac ku heshiiyeen.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeynta ay shalay ka geysteen magaalada Gaza, waxa ku dhintay 100 qof oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza, wax yar ka dib markii la afduubay Askariga ka tirsan milatariga Israel oo baadi-goob ugu jira Askarin oo looga shakisan yahay inay afduubeen dagaal-yahannada Ururka Hamaas.

Askarigan oo lagu magacaabo Hadar Goldin, ayaa la sheegay in lagu waayey hawl-gal ciidamada Israel ku burburinayeen godad dhulka hoostiisa mara oo dagaalyahannada Xamaas ka weeraraan ciidamada Yuhuudda, waxaana halkaas kaga dhintay laba Askari oo kale. Haseyeeshee, ururka Xamaas kama hadal eedaynta Israel ugu jeedisay afduubka Askariga.

Sannadkii 2006-dii ayay kooxda Xamaas sidan oo kale u afduubeen Askari ka tirsan ciidamada Askari oo lagu magacaabo Gilad Shalit, kaas oo gacantooda ku jiray muddo shan shanno ah, balse waxa ay sii daayeen sannadkii 2011-kii ka dib markii ay ogolaadeen inay dhaafsadaan 1,000 ka tirsanaa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada Israel.

Duullaanka Milatari ee ciidamada Israel ku hayaan Gaza, waxa ilaa hadda ku geeriyooday 1,603 falastiiniyiin ah, halka 8,400 oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Dhinaca Israel, tirada Askarta dagaalka kaga geeriyooday ayaa wakhtigan gaadhay 61 askari iyo saddex qof oo shacab ah.

Duqeynta Israel shalay ka fulisay Gaza, ayaa ku soo beegmay xilli lagu gudo-jiray 72 saacadood oo xabbaad-joojin ah, wakhti ay dadka badan oo reer Gaza ahi ku laabanayeen magaalada si ay u hubiyaan in guryahoodu ku burbureen duqeynta Israel.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay inay duqeynta Ciidamada Yuhuudda ee shalay ku geeriyoodeen 53 qof halka 200 kale dhaawacyo ka soo gaadheen, ka dib markii duqeyn loo geystay magaalada Rafah ee oo ku taala Koonfurta Marinka Gaza.

Isra’iil iyo Xamaas, ayaa midba dhinaca kale ku eedeeyey inuu jabiyey xabbad-joojintii lagu heshiiyey.

Afhayeen u hadlay ururka Xamaas, ayaa sheegay in shaacinta warka Askari laga afduubay Ciidamada Israel uu ahaa qorshe Israel ku doonaysay inay ku burburiso heshiiska xabbad-joojinta oo ay ka soo shaqeeyeen Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

SOMALILANDPOST.NET