Midowga Yurub oo Taageere Dhaqaale dhan $3.8 Bilyan Ugu yaboohay Afar waddan oo Geeska Afrika ka tirsan

Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Dhowaan Booqasho ku imanaya Waddmadan

Hargeysa (SLpost)- Midowga Yurub, ayaa shaaca ka qaaday caddadka dhaqaale maaliyadeed oo lixda sanno ee socoto ay ku caawinayaan Afar waddan oo ku yaala Geeska Afrika, kuwaas oo kala ah Itoobiya, Kenya, Somalia iyo Djibouti, iyada oo waddan walba loo qandeeyey qaddar lacageed oo xaddidan.

euFlagSida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, lacagta Midowga Yurub ku yaboohay ayaa dhan 3 Bilyan oo lacagta Yuuroga una dhiganta $3.8 bilyan, taas oo loo kala asteeyey afarta waddan ee Kenya, Djibouti, Somalia iyo Itoobiya. Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in lacagtaasi Lixda Sanno ee socota oo ku eg sannadka 2020-ka lagu kharash-garayn doono dhinacyada horumarinta, Ammaanka iyo dhaqaalaha, waxaanu midowga Yurub ujeeddada ugu muhiimsan ee taageeradooda dhaqaale ku sheegeen si xoogga loogu saaro xal-u-helidda caqabadaha hor taagaan horumarka iyo daah-furka kheyraadka ku duugan gobolka Geeska Afrika.

Taageerada Dhaqaale ee Midowga Yurub ugu yaboobay waddamada Geeska Afrika, ayaa ku soo beegmaya maalmo ka hor safar ay waddamadan ku mari doonaan wefti ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ay qayb ka yihiin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, Madaxa Baanka Adduunkna Jim Yong Kim, Madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka Axmed Maxamed Cali Al-Madani iyo ku-xigeenka Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika Erastus Mwencha oo ay weheliyaan Ku-xigeenka Agaasimaha Komishanka Yurub ee Hawlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Marcus Cornaro iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Alexander Rondos.

“Midowga Yurub wuxuu ka taageera dalalka Geeska Afrika Arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha. Xidhiidhkana waxa lagu sheegay Istaraatijiyadda wada shaqayn ee Geeska Afrika iyo Midowga Yurub ee sanadkii 2011 taas oo ka hadlaysa:

Wada xaajood balaadhan oo ku saabsan siyaasadda; Iskaashiga Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Is dhexgalka gobolka; Ka jawaabista xasaradaha, iyo maamulkooda oo ay ku jiraan maalgalinta hawlaha nabad ilaalinta iyo dadaalada; Iskaashiyo horumarin.

Habka Isku dhafan ee Midowga Yurub wuxuu daboolaa tusaale ahaan taageerada isku xidhnaanshaha dalalka ku yaala Geeska Afrika sida (Isku-socodka iyo Tamarta); taageeradda nidaamka dawlad dhisida Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM, sidoo kale tababarka ciidamada Soomaalida, la dagaalanka Budhcad Badeedka ee Galbeedka Badwaynta Hindiya iyadoo ay waddo Ciidanka Badda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR – Atalanta),” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska midowga Yurub ee Nairobi.

Dhaqaalaha Midowga Yurub ku yaboobay oo laga bixinayo Sanduuqa horumarinta Midowga Yurub, waxa xaddiga ugu badan loo ballan-qaaday dalka Itoobiya, halka taageerada dhaqaale ee ugu yar loo qoondeeyey wadddanka Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxaanu taageeradan dhaqaale lagu sheegay mid ka dhalatay xidhiidh ganacsi oo u dhexeeya waddamada Midowga Yurub iyo Mandaqadda Geeska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“3-da Bilyan ee Euro ee lagu taageerayo iskaashiga horumarka dalalka Geeska Afrika ayaa wuxuu ka imanayaa Sanduuqa Horumarinta Yurub ee 11aad (EDF) Xadiga ugu badan ee lacagtani ayaa waxaa la marin doonaa xidhiidh laba-geesood ah oo lala yeelanayo Itoobiya, Eriteriya, Yugaandha, Soomaaliya, Jabuuti, iyo Kenya; badhkeed waxa isticmaali doona Hay’adaha Gobolka.

Barnaamijyadda Midowga Yurub waxay xooga saarayaan sidii loo xalin lahaa caqabadaha hor taagaan horumarka si loo daah-faydo khayraadka gobolka. Midowga Yurub wuxuu taageerayaa nidaam siyaasadeed oo dhisme adag leh oo la iskula xisaabtamo, waxa uu ka shaqaynayaa inuu xaliyo khilaafaadka, wuxuu sare u qaadayaa awoodda gobolka ee la dagaalamka abaarta iyo gaajada, iyo sidoo kale sare u qaadista dhaqaalaha kaas oo hoos u dhigaya Fakhriga.

Taageerada laba-geesoodka ah ee Sanduuqa Midowga Yurub ee 2014-2020 ee dalalka la booqayano inta uu socdo safarku waxay gaadhaysaa; Itoobiya €745 Milyan, Soomaaliya €286 Milyan, Jabuuti €105 Milyan, Kenya €435 Milyan,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay, “Midowga Yurub sidoo kale wuxuu xidhiidh ganacsi oo dhow la leeyahay dalalka Geeska. Sanadkii 2013kii guud ahaan alaabada laga soo dhoofiyo Yurub waxay gaadhay €4.8 Bilyan halka alaabta ay la soo degto gaadhay €2.3 Bilyan.

Midowga Yurub wuxuu ku bixiyay in ka badan €1 Bilyan kaalmada bilow-aadantinimada ee Geeska Afrika ilaa iyo sannadkii 2011, Isagoo ka jawaabaya dhibaatada barakaca degdega ah iyo sidoo kale dhibaatooyinka cuntada iyo nafaqada.”

SOMALILANDPOST.NET