Midowga yurub oo somaliland ku casuumey shirkooda ka dhicidoona dalka Biljika

eu_somaliland

Hargeysa (SLpost)Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xarunta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, kaasi oo safar ku yimid Hargeysa.

Safiirka Midowga Afrika ee Somaliland iyo Michele Somaliya Cervone d’Urso, ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxwaynaha Somaliya iyo wasiirka khaarajiga Somaliland ugu soo bandhigay inay Somaliland ka qayb-gasho shir dabayaaqada sanadkan lagu qabanayo dalka Beljamka, kaas oo aanu weli ajandihiisu cadayn, balse lagu xidhiidhinayo shirarka dib loogu dhisayo dalka Somaliya.

Wasiirka Arrimaah dibadda  Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo kulankaasi ka dib shir-jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa isagoo ka hadlaya shirkaas wuxuu yidhi  “Shirkaasi safiirku wuu ka hadlay, waana arin midowga Yurub nagu casuumay, waana arin aanu ka wada hadlayno oo wakhti badan-baa hadhay, maaha sidii shirkii London ee inta wax walba la soo dhameeyay maalintii ugu dambaysay Somaliland loogu yeedhay, arintaasina adduunka cashar ayay siisay oo Somaliland maaha dal lagu tallo-gali karo, waa in lagala tashadaa arimahaa saamaynta ku leh, markaa waanu ka tashanaynaa oo waanu rog-rogeynaa, markaa ka dib ayaanu ka qaadan doonaa go’aankaku haboon”ayuu yidhi Wasiirka arimaha dibada Somaliland oo intaasi ku daray hindise cusub oo uu midowga Yurub kula shaqaynayo Somaliland, “Waxaanu ka wada hadalnay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. waxa kale oo aanu ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo, waxaanu ka wada hadalnay mabaa’diida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland ay ku wadashaqaynayaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inaan Midowga Yurub wax ka bedalin sidii ay Somaliland u caawin jirtay  “Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan.

Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee Somaliland leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay.

Somalilanadpost

Hargeysa