Somaliland: MIDOWGA YURUB oo Ku yaboobay Adduun lacageed oo loogu talo-galay Mushaharka Macalimiinta

EU_FlagNairobi (SLpost)- Hay’adda Unicef oo dhaqaale ka helay Midowga Yurub, ayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland ka taageeraysa bixinta mushaharooyinka Macalimiinta, iyada fulinta mashruucan ay Ansixisay  Isku Xidhka Caalamiga ah ee taageerada Waxbarashada (Global Partnership for Education).

Mashruucan ayaa loogu talo-galay in lagu kobciyo tayada Waxbarashada iyo tirada Carruurta dugsiyada dhigata ee Somaliland si ilme kasta oo wakhtiga waxbarashada gaadhay uu xaq ugu hore Waxbarasho Bilaash ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska UNICEF ee magaalada Nairobi, Barnaamijka iskaashiga caalamiga ee waxbarashada ayaa dhaqaale gaadhaya 4.2 milyan oo Dollar ugu talogalay sidii loogu taageeri lahaa Wasaarada waxbarashada si ay diyaariso qorshe mushahar joogto ah lagu siinayo macalimiinta dugsiyada, iyada oo kuwo dheeri ahna la qori doono.

Barnaamijkan GPE oo iska kaashadaan wadamada horumaray, hay’ado caalami ah, macalimiinta, ururada bulshada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayaa taageero ka geysta sidii xukuumaduhu u diyaarin lahaayeen qorshe dhamaystiran oo lagu horumariyo waxbarashada, si taageero dhaqaale ugu helaan.

Agaasimaha Mashruucan oo lagu magacaabay Alice Albright, ayaa ka warrantay muhiimadda barnaamijkani u leeyahay waxbarashada, “Barnaamijkan ayaa diyaar u ah inuu iskaashi la yeesho dhamaan dhinacyada ku hawlan waxbarashada, sidii ay u dhiirigelin lahaayeen waxbarasho dhamaan caruurtu hesho,” ayey tidhi Alice Albright.
“Tirada caruurta aan helin waxbarashada aasaasiga, gaar ahaan hablahu waa arrin aan loo dulqaadan Karin,” sidaa waxa yidhi Sikander Khan oo ah wakiilka UNICEF ee Somalia/Somaliland.

“Waxaa ku dedaalaynaa inaan u diyaarino nidaam waxbarasho dhamaytiran ilme walba, taageerada barnaamijkanina wax weyn ayuu tarayaa, kaasoo u sahlaya wasaarada waxbarashada inay bixiso mushaharka joogto ah e emacalimiinta oo ah lafdhabarka nidaamka waxbarashada,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dhanka kale, fulinta mashruucan oo ku salaysan taageerada waddankii hore laysugu odhan jiray Somaliya, waxa sidoo kale taageero taas la mid ah loogu yaboobay dalkaasi Somalia oo loo qaybiyo laba gobol.

Maamul-goboleedka Puntland, ayaa loogu yaboobay adduun lacageed oo dhan 2.1 Milyan oo Dollar oo kobcinta waxbarashada ah. Halka Sidoo kale, 8.2 Milyan Dollar oo Ansixintiisa gacanta lagu hayo, loogu talo-galay in lagu kharash-gareeyo kobcinta waxbarashada iyo daryeelka Macalimiinta.

Dhaqaalaha mashruucan ayaa la soo marin doonaa hay’ada UNICEF oo maamulaysa, halka Midowga Yurub noqonayso xidhiidhiyaha, guddiyada dhinacyada waxbarashada aya akaalin muhiim ah ku yeelan doona nidaamkan.

SOMALILANDPOST.NET

Google