Midowga Yurub oo ka warbixiyey ilaha Horumarka ee ay ka taageeraan Somaliland iyo waxqabadyada u qorshaysan

Hargeysa, 08 March, 2012 (SLpost)- Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Georges-Marc  oo booqasho ku jooga caasimada dalka ee Hargaysa ayaa Maanta ka warbixiyay meelaha ay Midowga yurub ka taageeraan Somaliland .

Safiirka oo  ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Midowga yurub iyo qaar ka mid ah haweenka Somaliland ee ka shaqeeya horumarinta dalka ayaa huteel Ambassador saxaafada ugu soo bandhigay barnaamijyada uu Midowga Yurub ka gacan siiyo Somaliland, waxaana uu safiirku si gaar ah u soo qaatay mashaariicda ku wajahan hoos-u-dhigida faqriga, Budhcad-badeedda, Maamul Wanaaga, Waxbarashada iyo arrimaha haweenka waxaanu xusay in Midowga Yurub dhiirigelinayo dariiq kasta oo haweenku kaga qayb qaadan karaan hogaaminta dalka iyo sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen doorashooyinka inagu soo foolka leh .

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Georges-Marc   waxa uu sheegay in Kulan uu saaka la qaatay Madaxweynaha iyo Shirgudoonka baarlamanka inay isla soo qaadeen arrimo badan oo taabanaya hawlaha ay midowga yurub ka fuliyaan Somaliland iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa.

Safiirka ayaa intaas ku daray in sababta uu kulankan uga soo qayb galiyay haweenka aqoon yahanka ah ee Somaliland inay la xidhiidho sidii ay ugu muujin lahaayeen Xuska maalinta haweenka adduunka ee 8 March iyo ku dhiirigelinta arrimaha horumarinta ee ay ku hawlan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net