Midowga Yurub oo Iclaamiyey Shir Kaalmo dhaqaale loogu ururinayo Dawladda Taagta Daran ee Soomaaliya

EU-SOMALIAMuqdisho (SLpost)- Midowga Yurub iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen, waxa ay ku muddeeyey Shir caalami ah oo loo qabanayo dalkaasi Soomaaliya, kaas oo xoogga lagu saarayo dib u-dhiska dalkaas ee muddada saddexda Sanno ee Soo Socda.

War-murtiyeedkan ay wada-jirka u soo saareen Midowga Yurub iyo Soomaaliya, waxa shirkaas oo loo bixiyey ‘Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya’, loo muddeeyey inuu magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ku qabsoomo 16-ka Bisha Sagaalaad ee Sannadkan.

War-murtiyeedka ayaa u qornaa sidan: “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub waxay wada-marti gelinayaa ‘Shirika Heshiiska Cusub ee Soomaaliya’ ee ka dhacaya Brussels 16ka Setember 2013. Shirka Caalamiga ah wuxuu meelmarin doonaa “Cahdiga Heshiiska Cusub” kaasoo siin-doona dadka Soomaaliyeed iyo shurakada Caalmiga ah xermo baahiyo muhim ah iyo kaa’mo cusub ee dib-u-dhiska Soomaaliya seddexda sannee soo socota. Shirka wuxuu u qaabeysan yahay in lagu dhisaa dar-darta horumarka iyo is-bedelka ka jira Soomaaliya oo ay taagyeereen shirarkii caalimiga ahaa ee dhawaa loo qabtay dalka.

Wakiiladda Sare ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Katharine Ashton waxay Tidhi: <<Xaaladda Soomaaliya waa ay isbedeshay sannadihii la soo dhaafay. Waxaa halka hadda ka jira jaawi dhaqa-dhaqaa, dowladnimo iyo rajo soo if-baxaya. Sidaa darteeda waxaa intii horeba ka muhinsan in  beesha caalamaka ay qadarisaa balanteeda taagyeerid ee dadka Soomaaliyeed.  dhacdada tan ee sida wada-jirka ah u marti geliyeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub, waxay ka dhigi doontaa ‘Cahdiga Heshiiska Cusub’ mid assaas u noqda balan-qaadka ka dhexeeya bulshada caalamka iyo Soomaaliya ee ku aadan qorshaha seddexda sano kaasoo u keeni doona nabad, amni iyo horumar dhammaan dadka Soomaaliyeed.>>

Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheikh Maxamud ayaa yidhi: “16ka Setember, Baroness Ashton, iyo aniga waxaan ku qaban doonaa Brussells, Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya, waxaan u soo bandhigi doonaa beesha caalamka baahiyadeena kuwa ugu muhimsan xag siyaasadeed, amni iyo horumarineed oo ay hagayaan maba’di’da Heshiiska Cusub ee dowladaha aan xasilooneyn ee lagu heshiiyey Busan 2011. Dhammaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay ka fa’ideystaan fursadaan si loogu dhiirigeliyo kaalamada caalamka in ay taagyeerto soo kabashadeena. Waxaannu haysanaa middan fursad ah si aannu u hubino in seddexda sannee soo socota aannu ugu dhisno dar-dar horumar iyo in aan ka hor-qaadnaa khatar kastoo soo celin karta fowda iyo colaad. Waxaan rajaynayaa in dunida ka soo qayb gasho si ay u balan qaado taagyeerideeda si loo badbaadiyo sheekan horumarka ah ee sida dhaqsida leh u soo if-baxaysa.>>

“Cahdiga Heshiiska Cusub” ee lagu wado in ay ku meel-mariyeen Soomaaliya iyo bulshada caalamka Burussels bisha September wuxuu ka yahay qaab muhim ah “heshiiska Cusub ee dowladaha aan xasilooneyn” kasoo waajib kaga dhigaya shurakada wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah in ay si wada-jir wax uga gestaan baahiyaha muhimka ah ee xag siyaasadeed, amni iyo dhqan-dhaqaale. Heshiiska Cusub waxaa kaloo ku jira qaab-dhismeed maaliyadeed ee Soomaliya yeelaneyso oo ku salaysan la-xisaabtan iyo isbahaysi ka dhaxeeya. Hanaanka Heshiiska Cusub waxaa la daah-furay bishi May 14di, 2013 waxaana hogaaminaaya Guddi Howleedka Heshiiska Cusub oo ka kooban Dowladda Federaalka, Barlamaanka iyo Midowga Yurub (ka wakiil ah deeq-bixiyayaasha) oo ay ku jiraan daneyayaal balaadhan.”

SOMALILANDPOST.NET