Midowga Yurub Oo Hoos U Dhigay Xafiiskoodii Hargeysa Halkay Muqdisho Ka Dhisanayaan Dhismihii Ugu Balaadhnaa

 

Hargeysa(SLpost)-Midowga Yurub ayaa hoos u dhigid rasmi ah ku sameeyay xafiiskooda Hargeysa ee laga maamulo hawlaha midowga Yurub ee Somaliland.

Sida uu Geeska Afrika, ku helay warar xogogaala, Midowga Yurub waxa uu dabayaaqadii bishii December si rasmi ah u kala diray xafiiskii iyo shaqaalihii, marka laga reebo saddex ruux oo iyaguna dulsaar ku noqon doono xafiisyo kale oo ay leeyihiin hay’ado kale oo caalami ahi. Madaxii xafiiska EU ee Somaliland Mr. Alberto Fait ayaa isna si rasmi ah uga ambo baxay Somaliland, waxaanu go’aankan Midowga Yurub daba socdaa qoraal ay soo direen bishii August ee sannadkii hore oo ay ku sheegeen go’aanka ay qaateen ee ah inay markii u horaysay hoos u dhigeen meeqaamkoodii xafiiskooda Hargeysa, taas oo la mid ah sida in albaabada loo xidhay oo kale. Xafiiskii Hargeysa ee EU, inkastoo aan weli lga jarin boodhkii, haddana waxa la wareegtay hay’ad kale oo caalami ah.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay go’aankan uu Midowga Yurub qaatay oo dabcan dhaawac u gaysanaya siyaasadda dibadda ee Somaliland.

Geesta kale, iyadoo uu Midowga Yurub albaabada u laabay xafiiskoodii Hargeysa, ayaa haddana wuxuu dhismihii ugu balaadhnaa ka dhisanayaa magaalada Muqdisho oo u muuqata inay xoojinayaan. Nashqada dhismahooda cusub ee Muqdisho ayaa la soo geliyay barta uu Midowga Yurub ku leeyahay Internetka. Qoraal la raaciyay dhismahan ayaa lagu sheegay “EU oo ku dhow in joogitaankeeda Soomaaliya ay ka dhigto mid joogto ah oo isu dhamaystiran.”

Qoraalka waxa kale oo lagu soo gunaanaday, “Midowga Yurub (EU) waxa ay damacsan tahay, in ay joogitaan dhamaystiran ku yeelato Muqdisho, oo intii suurtogal ah ay Soomaaliya dejiso dhammaan jilayaasha EU-da.”

Dadka faaqida arrimaha xidhiidhka caalamiga ah ayaa aaminsan in Midowga Yurub doonayo inuu hawlaha Somaliland ka maamulo xafiiska Muqdisho oo ay ka dhisayaan dhismahan ay lacagta badani ku baxayso.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa bishii August baahiyay in Midowga Yurub xidhayo xafiiskooda Hargeysa, laakiin xukuumadda Somaliland ayaa warkaas ku tilmaantay mid aan jirin. Hase yeeshee afar bilood ka dib waxa soo baxday xaqiiqada warkii uu Geeska Afrika baahiyay.

Xigasho Geeska Afrika