Midowga Yurub oo Caddeeyey Qaabka ay Deeqaha iyo Barmaanijyada Horumarineed ku siinayaan Somaliland iyo qorshe Cusub oo ay labada dhinac isla garteen

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Midowga Yurub u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso., ayaa maanta Socdaal Kedis ah ku yimi Magaalada Hargeysa, isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka soo dagay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ka hor intii aanay u dhaqaaqin dhanka madaxtooyada Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo ku qaabilay.

Markii uu dhammaaday kulanka dhexmaray maaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo Danjire Michele Cernone, waxa warbaahinta u faahfaahiyey nuxurka waxyaabaha ay ka wada-hadleen, wasiirka Arrimaha debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Danjire Michele.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo faahfaahinaya natiijada Kulanka, waxa uu yidhi, “Waxa maanta Booqasho Somaliland ugu yimid Safiirka Midowga Yurub ka socday oo la yidhaahdo Michele Cervone d’Urso, waxaanan ka wada hadlanay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo aanu maanta ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo.”

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hadlayay dulucda qodobadii ay maanta ka wada hadleen Safiirkan, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka wada hadalnay mabaadiida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland ay ku wada shaqaynayaan.

Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan. Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee dalkani (Somaliland) leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay,”ayuu Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Danjire Michele Cervone d’Urso oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inuu madaxweynaha uga mahad celinayo sidii ay iskugu afgarteen iskaashiga Somaliland iyo midowga Yurub saddexda sanadood ee soo socda, kaas oo noqonaya barnaamij cusub oo midowga Yurub xidhiidh iskaashi kula yeelanayo Somaliland.Safiirku waxa uu sheegay in mashaariicda ay ka fuliso Somaliland loo hirgelin doono hadba daruuriyaadka Somaliland u dejiso.

SOMALILANDPOST.NET