Midowga Afrika oo codsaday in farogelin Milatari lagu sameeyo dalka Maali

Abidjan (SLpost)- Madaxda Midowga Afrika ayaa codsaday taageero caalami ah si faragelin melatari loogu sameeyo Woqooyiga dalka Maali halkaasi oo kooxo hubaysan ay gacanta ku hayaan in ka badan laba bilood.

Bayaan ka soo baxay kulan ay ku yeesheen magaalada Abidjan ee xarunta dalka Ivory Coast  mas’uuliyiin ka socotay QM, midowga Afrika iyo qaar kamid ah dalalka galbeedka afrika, ayey tibaaxeen sida ay u rabaan si deg deg ah looga helo beesha caalamka taageero haboon iyadoo loo marayo codsi rasmi ah oo midowga Afrika uu soo jeedinayo oo ku aadan howlgal melatari oo lagu difaacayo Qaranimada wadanka Maali.

Kulanka ayaa sidoo kale la isla meel dhigay u dhaqaaqida qaabkasta oo ku haboon oo ay ku jirto faragelin melatari si loo caawiyo dawladda Maali si ay dib ugu soo celin lahayd qaab-dhismeedka ciidankeeda iyo sidii dib uu uga shaqeyn lahaa maamulka dawladda waqooyiga dalkaas.

Sidoo kale bayaanka ayaa ku baaqay in xoog loo adeegsado waxa uu ugu yeedhay kooxaha aragagxisada iyo gacan ku dhiiglayaasha iyo kooxo kale kuwaasi oo howlahooda saameyn ku yeeshay degnaanshaha iyo amniga dalka Maali iyo gobolka galbeedka afrika.

Kadib inqilaabkii melatari ee xilka lagaga tuuray madaxweynihii dalka Maali Amaaduu Tomaani Tooree 22 maarso dalka maali ayaa u qeybsamay labo qeybood , Waqooyiga dalkaas oo bedkiisu la’ eg yahay marka la isku daro bedka dalalka faransiiska iyo Belgiumayaa waxaa la wareegay kooxo hubaysan iyo kooxo kale oo dawaariq ah.

SLpost News/Hargeysa