Midawga Afrika Oo Khubaro Milateri U Diraya Dalka Burundi

Johannesburg, (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha Afrika ee shirka ku yeeshay dalka Koonfur Afrika ayaa ku heshiiyey inay khubaro milateri u diraan dalka Burundi, ka dib markii toddobaadyo ay dalkaasi ka socdeen mudaharaado ka dhashay markii Madaxweynaha dalkaasi uu ku dhawaaqay inuu kursiga u tartamayo mar saddexaad.Afrika

Masuuliyiin ku sugan kulanka Midawga Afrika ayaa sheegay in khubaradan milateri ay dusha kala socon doonaan waxa ka dhacaya dalka Burundi, isla markaana ay talo siin doonaan saraakiisha booliska.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Lindha Thomas-Greenfield ayaa u sheegtay VOA ka dib kulan doceedyada dhinac socda shirka Midawga Afrika, in arrinta sii huraysa xiisadaha ka taagan dalka Burundi inay saldhig u tahay madaxweynaha oo doonaya inuu mar saddexaad xukunka dalkaas qabto.

Linda Thomas ayaa sheegtay inay arrintani tahay go’aan siyaasadeed oo caddaan ah, isla markaana ay ka sugayaan madaxda gobolka inay ka hadlaan qodobbada dastuurka ee dalkaasi, iyada oo Dastuurka Burundi aanu ogolayn in Madaxweynuhu uu mar saddexaad tartami karo.

Somalilandpost.net