Midawga Yurub oo ka Shiray Wax-ka-Qabashada Qulqulka Qaxoontiga

 

Brussels (SLpost) – Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa ku kulmay caasimadda dalka Belgium ee Brussels iyaga oo ka baaraandegaya inay ciidamo gaadhaya illaa 400 oo askari u diraan si ay u ilaaliyaan xuduudaha ay ka soo gelayaan dadka socotada ahi.

Sidoo kale waxaa Midawga Yurub ay ka fekerayaan inay abuuraan goobo dadka lagu baadho oo laga hirgeliyo wadamada laga soo galo ururka Midawga Yurub.

Qorshahan Qabyada ah ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub ay qaadayaan dedaallo degdeg ah oo lagu adkaynayo ammaanka xuduuddaha Midawga Yurub.

Hogaamiyeyaasha dalalka bartamaha Yurub iyo kuwa Balkanska ayaa isku raacay qorshe 17 qodob ka kooban oo wax lagaga qabanayo mushaakilka dadka muhaajiriinta ah.

Waxaa ka mid ah in cunno iyo hoy la siiyo 100,000 oo qof oo daadsan halka loo sii maro balkanka, iyadoo kala bar dadkaasna ay joogaan Giriigga.

Dalalka ayaa sheegay inay sare u qaadayaan ilaalinta xuduudaha oo ay hagaajinayaan iskaashigooda.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Jean-Claude Juncker, ayaa dalalka Balkanska ugu baaqay in aanay si jahwareer leh isu soo dhaafin qaxootiga.

Waxaa la soo jeediyay in Turkiga uu qaado tallaabooyin uu ku xakamaynaya qulqulka muhaajiriinta ka talaabayso xadkiisa si ay u gaadhaan Giriiga.

Isbuucii la soo dhaafay dalka Giriiga waxaa maalin walba soo gaadhayay 9 kun oo muhaajiriin ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd tan iyo billowgii sandkan.

Arrimaha kale ee Midawga Yurub ay isla jeexjeexayaan waxaa ka mida sidii ay maraakiib dagaal ugu diri lahaayeen xeebaha dalka Giriiga.