Mid kamid ah Aqoonyahanka Reer Saaxil oo Xabsiga loo taxaabay iyo sababaha xadhiggiisa

Berbera  (SLpost) – Dr. Maxamed Haybe Nuux oo kamid ah Aqoonyahanka Reer Saaxil ayaa Saqdii dhexe ee habeen-hore lagu soo xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Berbera, ka dib markii fiidkii habeenkaas Booliska Degmada Sheekh ka soo qabteen isla magaalada Sheekh.

Ma jiraan warar rasmi ah oo illaa hadda sheegaya sababta Xadhigga Maxamed Haybe oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka ee Heer Gobol iyo heer Degmo midnaba, hase yeeshee, sida lagu baahiyey Shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews oo warkan aannu ka soo xigannay ayaa lagu sheegay in  Maxamed Haybe oo ay u suurta gashay inay la xidhiidhaan ayaa isagu ku tilmaamay xadhiggiisa mid xaqdarro ah, isla markaana aanay Boolisku u sheegin wax denbi ah oo uu galay, balse waxa uu xusay in xadhiggiisa ay amreen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Maxamed Haybe oo arrintaas xadhiggiisa faahfaahin ka bixinayaana waxa uu yidhi; “Ma ogi illaa hadda sababta xorriyaddayda la iiga qaaday ee aan u xidhnahay xalay (habeen-hore) fiidkii ayaa la iga soo qabtay magaalada sheekh markii aan weydiiyay Taliyaha Saldhigga Sheekh waxa la ii haystana waxa uu iigu jawaabay; ‘Maxamedoow annaggu kuma haysanno ee waa amar nagaga yimi dhica Gobolka’. kadibna waxaan Taliyihii ku celiyey oo aan su’aalay yaa idin amray in la i soo xidho waxa uu iigu jawaabay; ‘Taliska qaybta’. Laakiin cidda ku haysataa waa Badhasaabka imminkana waxaannu kuu gudbinaynaa dhinaca Berbera’. Sidaas ayaana la iigu soo dhaadhiciyey Berbera.”

“Halkan (Saldhigga dhexe ee Berbera) markii la i keenay wax la i weydiiyey ma jirin OP-gana eedda lay haysto laguma qorin, hase yeeshee, waa la gaadhi xaqiiqada.” ayuu yidhi Maxamed Haybe Nuux. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey; “Waxaan hayaa oo xadhiggaygan hadda ka hor aan helay Dhukummenti qoraal ah oo laygaga been-sheegayo iyada oo la leeyahay waxa uu maleegayey kacdoonno ka dhan ah Marwada Madaxweynaha xilligii ay socdaalka ku maraysay Magaalada Sheekh, taasoo aan si buuxda u soo bandhi doono caddaymahaasi marka la gaadho mana aha waxaan ka hadhi doono gefka uu igula kacay Badhsaaabku.”

Inkasta oo uu Maxamed Haybe ku adkaystay in aanu xaqiiqada xadhiggiisa ka danbeysa ogeyn haddana waxa jira warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in Maxamed loo xidhay Qandaraas la sheegay in ay siiyeen Guddiga qaban-qaabada shirkii ay dhawaan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen Beesha Saaxil in ay ku yeelan doonto Tuulada Dubur oo qiyaas dhowr iyo labaatan KM ah dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Sheekh.