Mid Ka Mid Ah Xubnaha Ugu Cad-cad Ee U Dhaqdhaqaaqa Xuquuqal Insaanka Oo Lagu Dilay Pakistan

ActivistKarachi, (SLP)- Sabeen Mehmud oo ahayd xubin u dhaqdhaqaaqda xuquuqda bani’aadamka ayaa lagu dilay magaalada Karachi ee dalka Pakistan, xilli ay kusocotay gurigeeda, isla markaana ay wehelinaysay hooyadeed.

Sabeen oo ahayd agaasimaha gargaarka urur lagu magacaabao The Second Floor (T2F) ayaa hadda ka hor loogu hanjabay in la dili doono.

Ururka T2F ayay shaqadiisu tahay qabashada siminaarada ka hadlaya qaddiyadaha xuquuqda bani’aadamka, waxaana todobaadkii hore ururkaas laga mamnuucay inuu gobolka Balochistan ku qabto siminaar ku saabsan tacadiyada ka dhan ka ah bani’aadamka, waxaana gobolkaas awood ku leh qaybo ka mid ah ururka Daalibaan iyo kooxo kale oo u dhashay Balochistan oo xadka dalka Iran ku taalla.

Ms. Sabeen ayaa la toogtay waqti yar ka dib markii ay soo baxday shir lagaga hadlayay arrimaha xuquuqal insaankat.

Sida uu daabacay wargeyska Dawn oo kasoo baxa dalka Pakistan ayay naftu ka baxday intii lagu sii waday cusbitaalka.

 

Somalilandpost.net