Mid ka mid ah Shirkadaha ugu Waaweyn Somaliland oo Musalaftay iyo Hantideedii oo la Xaraashayo

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda gobolka Maroodijeex, ayaa soo saartay xukun ay ku go’aamisay in gebi ahaanba la iibiyo hantida maguurtada ah ee ay lahayd mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Maalgashiga ka sameeyey Dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

 

Shirkadda ABYAN

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa go’aanka Maxkamadda iyo Kalliftay in Hantida Shirkadda la xaraasho ku shaaciyey goobta ay ka dhisan tahay Wershadda oo ku taalla Bariga Magaalada Hargeysa.

 

Shirkadd oo lagu magacaabo ABYAN ayaa ahay wershad weyn oo soo saari jirtay Biyaha iyo Sharaabka kala duwan ee dalka laga isticmaalo.

guddoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodijeex dalmar

 

Faahfaahinta Warka iyo Hadalka Guddoomiyaha kaga bogo Muuqaalkan Hoose