Mid ka mid ah Marwooyinka Madaxweynayaashii hore ee Somaliland oo shaacisay hankeeda Hoggaanka Xisbiga UDUB

Hargeysa, (SLpost)- Shirweynihii maanta Hargeysa uga furmay Xisbiga UDUB waxa damaceeda hoggaanka Xisbiga ku shaacisay Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ah xaaska madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal.

Marwo Kaltuun waxa ay ku sababaysay hankeeda iyada oo ka mid ahayd aasaasayaashii ugu horreeyey ee Xisbiga isla markaana ay xaq u leedahay in loo dhiibo Hoggaaminta Xisbiga. “Imika waxa uu xisbigu jiray toban sanno. Marxuumku (Cigaal) waxa uu la joogay hal sanno oo kaliya wixii ka dambeeyeyna qolyaha kale ayaa gacanta ku hayay. Markaa xisbigii tartan ayuu galay, waa laga guulaystay. Waxa dhacay ismaan-dhaaf badan, baylah iyo jileec badan oo ku yimi xisbiga dhexdiisii. Sidaa darteed, Xisbigii waxa uu waayey kalsoonidii shacabka Somaliland, markaa maadaama maanta xisbigii dib isu abaabulay, waxaan ku wargeliyey xubnihii Golaha Dhexe iyo bahweynta UDUB inay sidii ay markii hore ula wareegeen taladiisa, ay maantana aniga igu soo wareejiyaan guddoomiyenimadii Xisbiga maadaama aan ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga.”

Kaltuun Xaaji oo ka hadlaya inay si dhab ah ugu tartamayso ama uga midho-dhalinayso hankeeda hoggaanka Xisbiga waxa ay tidhi, “Rasmi ha ahaado ama yaanu ahaan, anigu kolley hankeygii madasha ayaan ka sheegay, waana mid aan xaq u leeyahay ka dumar ahaa, waayo maanta dumarkii wey ka qatan yihiin siyaasaddii dalka, waana xisbigii aan aasaasay ee abuuritaankiisa aan wax ku lahaa.”

Ugu dambayntii, Kaltuun waxa ay ku doodday inay xaq u leedahay hoggaanka Xisbiga isla markaana ay u tartamayso guddoomiyenimada ama sida ay sheegtay qabanayso xilkaas haddii dumar ahaan lagu maamuuso.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net