Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu Miisaanka CulusGabiley oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Sababo loo Aanaynayo Xadhiggiisa

Gabiley (SLpost)- Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah madaxa Dhaqameedka ugu miisaanka culus gobolka Gabiley, ayaa maanta abaaro 12:30 duhurnimo  Xabsiga loo taxaabay, waxaana amarka xadhiggiisa bixiyey Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geeddi, sida uu soo ku soo warramay Wariye Cabdikariim Muxumed Cadde oo khadka telefonka kula xidhiidhay Caaqika isaga oo ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Gabiley.

caaqil maxamed cabdi qawdhanLama oga sababta iyo ujeeddada Rasmiga ah ee ka dambaysa Xadhigga Caaqilka oo la sheegay inaan loo marin sifaha Sharci ee jidaynaya xadhiggiisa, isla markaana aan waaran Maxkamadeed oo soo-qabashadiisa Xalaalaynaya, sida uu Wariyaha u xaqiijiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Gabiley oo sheegay inaanu Waxba kala socon Xadhigga Caaqilka

Sababaha Lagu Xidhiidhin karo Xadhigga Caaqilka

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ahaa cuqaasha la shaqayn jirtay xukuumadda, ayaa dhawaan mar uu warbaahinta ka hadlay, waxa uu si adag u naqdiyay  Saamiga Raashinkii mucaawimada dawladda Turkiga ugu deeqday dalka, isaga oo ku dooday inay Xukuumaddu gobolka Gabiley u qoondaysay raashin loogu talo-galay degmo ahaan, waxaanu dhaliilo u jeediyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, in kasta oo maalin ka dib caaqilku raaligalin ka bixiyay hadalkii uu ku duray madaxweyne ku xigeen.

Hasayeeshee, sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno ilo u dhuundaloola arrintan, waxaa loo aanaynayaa xadhiga caaqilka inay sabab u tahay inuu abaabulay shir beesha uu Caaqilka u yahay maalintii shalay ku yeelatay  beer ku taala Ceel-giniiseed oo duleedka Woqooyi ka xigta magaalada Gabiley, iyada oo shirkaasna ay ka qayb-galeen madaxda gobolka oo badhsaabka gobolka Gabiley hormood ka yahay.

Si kastaba ha ahaatee, xadhigan Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, ayaa la odhan karaa, waxa uu sii hurinayaa xidhiidhka xukuumadda iyo Bulshada Gabiley oo muddooyinkii u dambeeyey aan wanaagsanayn.

Somalilandpost.net/Gabiley