Mid ka Mid ah Hogaamiyayaashii Hore ee Alshabaab oo La qabtay

 

 

Muqdisho(SLpost)-Hogaamiye sare iyo labo xubnood oo kale oo qamaamuur ah oo ka tirsanaa ciidamada Alshabaab ayey ciidamada dawladda oo kaashanaysa ciidamada AMISOM ay qabteen.

Saddexdan nin ayaa lagu qabtay meel u dhaw Magaalada Ceelbuur shalay galinkii dambe sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada sirdoonka Soomaaliya, Maxamed Xasan.

Raggan la qabtay waxa ka mid ah Cali Yuusuf, oo loo yaqaanay Cali Ganay. Waxa lagu eedaynayaa in uu masuul ka ahaa dilka dad badan oo shacab ah iyo la dagaalanka ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ee ka barbar dagaalama, Sidaa waxa sheegay Taliye Maxamed Kaahiye oo ka tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya.

Xarakada Alshabaab wax jawaab ah kamay bixin arrinkan lagu qabtay hogaamiyahoodan hore.

Ciidamada Afrikaanka ayaa waxa u jooga Soomaaliya 22,000 oo askari, tan iyo in ka badan 10 sano, laakiin ilaa imika wax libin la taaban karo ah kamay gaadhin la dagaalanka Alshabaab.