Mid ka mid ah dowladihii Liibiya oo iscasishay

Dowladda isugu yeerta Badbaadada Qaran ee Liibiya ee uu fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli ayaa waxa ay xilka uga degtay Golaha Madaxtooyada ee ay baritaarto Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa waxaa loogaga dhawaaqay bayaan lagu daabacay barta internetka ee Wasaaradda Cadaaladda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in golaha wasiiradu ay xilka ka degayaan “iyagoo dhowraya danaha sare ee dalka kana hortegaya in dhiig uu daato.”

Dowladdan oo aanay weligeed aqoonsan bulshada caalamka, ayaa waxa ay awoodda haysay tan iyo 2014-kii, kaddib markii maleeshiyaad iska soo horjeeda ay ku dagaalameen gudaha magaalada Tripoli arrintaa oo ku khasabtay in mas’uuliyiintii la doortay ay u baxsadaan dhankaa iyo Bariga.

Mas’uuliyiinta cusub ee Liibiya ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay u guureen caasimadda si ay isugu dayaan in ay gacanta ku dhigaan maamulka dalka, wixii markaa ka dambeeyayna waxa ay ka howlgalayeen saldhig badda ku yaal.

Tallaabadan ugu dambeysay ayaa waxa ay dhabaha u xaaraysaa Xukuumadda Midnimada Qaran ee ay taageerto Qaramada Midoobay in ay maamusho hay’adaha dalka ee kala qeyb qeybsan.

Hasayeeshee weli waxaa jirta dowlad ka soo horjeedda oo uu fadhigeedu yahay Bariga dalka, taasi oo uu taageero baarlamaanka caalamka laga aqoonsan yahay.

Awood kale oo sharci dejin ayaa weli ku harsan caasimadda, waxa ayna u kala qeybsan yihiin hogaamiyayaasha cusub ee Liibiya.