Mid ka mid ah Culimada Waaweyn ee dalka Kenya iyo Xaaskiisa oo Maxkamad la soo taagay iyo Dambiga loo haysto

Nairobi (SLpost)-  Sheekh Xassan Xuseen Aadam oo ka mid ah Culimada Soomaalida ee dalka Kenya ku dhaqan ee lagu eedeeyo inay taageeraan Argagixisada Al-Shabaab, ayaa isaga iyo Xaaskiisa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta waddankaas, ka dib markii ay Booliska Kenya kala baxeen gurigooda goor habeennimo ah.

Bilowgii bishan xilli habeen ah ayaa Ciidammada ammaanka, waxaa ay gurigooda kala baxeen Sheekha oo lugu magacaabo Xassan Xuseen Aadan iyo Xaaskiisa oo la yidhaahdo Fardowsa Maxamed Cabdi,waxaana markii ugu horreeysay ay ka soo hor muqdeen Maxkamadda Khamiistii dorraad.

sheekhSheekh Xassan ayaa hore u fatwoodey in adduunka la dhaafiyo oo la dilo Culimo badan oo ka mid ah Jamaacada al-Ictisaam, waxaana uu ku tilmaamey kuwo Diinta ka riddoobey, waxaanu si badheer ah u taageeri jirey Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya sida la sheegay. Culimada Jamaacadda Al-Icitisaam, ayaa ku tilmaamey afkaarta Sheekh Xasan inay tahay middii Khawaarijta ee Sayid Cali Bin Abidaalib (RC) diley.

Sheekha ayaa lala xidhay Xaaskiisa Fardowsa Maxamed Cabdi, waxaana lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro argagixisannimo oo ka dhacay magaalada Nairobi, iyaga oo Booliskuna eedayntooda ku soo daray inay Sheekh Xasan ka heleen laba Bambaano oo kuwa gacanta laga tuuro ah, sidaa daraaddeedna uu halis wayn oo amni ku hayo dalka iyo dadka reer Kenya, balse eedayntaas loo soo jeediyey ay iska difaaceen intii ay Maxkamadda joogeen.

Qareenka u doodayay Wadaadka iyo Xaaskiisa, waxaa uu isna dhankiisa beeniyey in wax Bambaano ah ay haysteen, sidoo kalena aanay haysan aaladaha qarxa, taasna ay tahay mid been-abuur ah oo la doonayo in dembi loogu sameeyo Sheekh Xasan iyo Xaaskiisa Fardawsa.

Maxkamadda ayaa diidday in dammiin lagu sii daayo Sheekha iyo Xaaskiisa, dacwadda lagu soo oogayna ay weli socoto, waxaana dib loogu celiyay halkii ay ku xidhnaayeen isaga iyo Xaaskiisu. Waxaa ay intaasi ka dib Maxkamaddu go’aamisay in dhegeysiga dacwadda Wadaadkan iyo Xaaskiisa dib ay u furmayso 25-ka bisha Juun ee sannadkan 2014-ka.

Wadaadka oo dhowr jeer oo hore ay Ciidanka Booliska Kenya xidheen, ayaa la sii daayey ka dib markii ay wax dembi ah ku waayeen. Hase ahaatee, xadhiggiisan immika ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Nairobi ay ka dhaceen dhowr qarax oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay, isla markaana ay Boolisku u xidheen dad Soomaali ah oo toddoba boqol ka badan, kuwaasoo ay intooda badan ka qabqabteen Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay Soomaalidu aad ugu badan tahay saddex qaraxna ka dheceen toddobaadkii hore.

SOMALILANDPOST.NET