Mid ka mid ah Bud-dhigayaashii Fanka Soomaalida oo Maanta Ku geeriyooday magaalada Burco iyo M/weyne ku-xigeenka oo tacsi u diray

0Burco (SLpost)- Eebbe Naxariistii Janno ha ugu Deeqee waxa maanta magaalada Burco Marxuum Cismaan Maxamed Cabdikariim (Cismaan Gacanlow) oo ka mid ahaa budh-dhigayaashii fanka Soomaalida.

Marxuum Gacanlow oo muddo dheer ka mid ahaa tiirarkii Fanka Soomaaliyeed, hase yeeshee muddooyinkii ugu dambeeyay u leexday dhinaca Diinta iyo Alle-ka-cabsiga, waxa uu in muddo ahba u jiifay xanuun uu maanta u geeriyooday, waxaana aas qaran oo loo qabtay ka soo qayb-galay kumannaan ka mid ah Shacabka reer Burco.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxeynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray, bahda fanka iyo suugaanta, geeridii naxdinta lahayd eek u timid Cismaan Maxamed Cabdikariin (Cismaan Gacanlow) oo maanta April 25, 2013 lagu aasay magaalada Burco.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Shacabka iyo umadda kale ee Soomaaliyeed ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cismaan Gacanlow, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta guud ahaan meel ay jooganba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, ALLE ha u naxariistee MARXUUM, CISMAAN MAXAMED CABDIKARIIM (CISMAAN GACANLAW) oo ku geeriyooday Magaalada Burco Maanta 25/04/2013, laguna aasay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Abwaan weyn oo taariikh ku leh Fanka iyo suugaanta Soomaalida kana mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Salka u dhigay fanka iyo suugaanta.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo suugaanta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Allaa Mahadleh

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

DHEGAYSO HEESAHA CISMAAN GACANLOW


SOMALILANDPOST.NET