“Mid aan Idinka Aqbalayno maaha, nabadgelyadana Laydinkama Marti aha” – Saylici oo Hadal Kulul kula hadlay Madax-dhaqameedka Awdal

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga magaalada Boorama, ayaa maanta kulan la qaatay Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey kulanka, ayaa sheegay inaanay xukuumaddu cidna u daba-fadhiisayn ilaalinta ammaanka oo ay masuuliyadeeda leedahay isla markaana aan la aqbali karin in Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Awdal ay iska soo afjari waayaan Dadka Amnigooda xumaynaya ee Jabhadaha ka dhex samaynaya deegaankooda.

Madaxweyne ku-xigeenka oo la hadlayey Madax-dhaqameedka gobolka Awdal, waxa uu yidhi, “Mid aan idinka Aqbalayno maaha, nabad-gelyadana laydinkama marti aha, xukuumadda ayaa ka masuul ah, laakiin talo ayaan Isku leenahay”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Idinka yeeli mayno Inan halkaa jooga ayaanu la soo hadli kari waynay ama qaban kari waynay. Lacagna ku siin mayno Ninka hawshiisa qabsan kari waaya, Bari baa Lacag la geeyaa ayay Salaadiintu ku hadlayaan, taasi waa Nasiib-darro, masiibaa loo geeyaa bariga Lacagta ee Masiibo Ilaahay barya, waar Ilaahay ka baqa,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo muuqaalka Hoose