Microsoft oo si rasmi ah ula wareegtay mulkiyadda Shirkaddii telefoonada ugu weynayd Qaaradda Yurub

New York (SLpost)- Shirkadda Maraykanka laga leeyahay ee Micorosoft, ayaa todobaadkan si rasmi ah ula wareegtay mulkiyadda shirkadda Nokia, ka dib wada-hadallo iyo heshiis hordhac ah oo sannadkii u dambeyey labada dhinac u socday.

sawirShirkadda farsamaysa telefoonnada Gacanta ee Nokia oo laga leeyahay waddanka Finland, waxa hadda mulkiyaddeeda la wareegtay shirkadda barnaamijyada computer-rrada ku caanka ah ee Microsoft, waxaanu heshiiska lagula kala wareegay dhacay maalintii Jimcaha ee todobaadka, taasoo ka dhigaysa in xidhmaan warshadahihii ay shirkaddu lu lahayd dalalka Hindiya iyo Kuuriya.

Nokia ayaa sheegay in qiimaha heshiiskan oo hore loogu dhawaaqay bishii September ee sannadkii hore inuu yahay ($7.52 billion), ayaa immika lagula kala wareegay qiime intaas ka sarreeya, in kasta oo qiimaha u dambeeyey la go’aamin doono marka la xisaabiyo adduunka shirkadda.

Shirkada Microsoft oo Maraykanka laga leeyahay ee Combuterada samaysa ayaa aqbashay inay heshiiska lagu soo darin warshadaha ku yaal Hindiya iyo Waqooyiga Kuuriya.

“Hidniya, shirkadayada wax-soo-saar waxa la xayiray hantideedii, ka dib dacwad u dhexeysa saraakiisha cashuuraha Hindiya awgeed,” ayaa lagu sheegay qoraal Nokia ka soo baxay.

Warshada ku taal magaalada Chennai ee dalka Hindiya oo ah ta ugu weyn shaqaalaheeduna gaadhayo 7 kun, ayaa lahaanshaheedu ku hadhayaa gacanta Nokia, balse lagu heshiiyey inay soo saarto Moobillo ay leedahay Microsoft.

Nokia ayaa ahayd horyaalka mobilada aduunka, intaanay shirkadda Apple’s iPhone suuqa kala wareegin sannadkii 2007, iyada oo markii dambe ay soo baxday shirkadda Samsung oo cidhiidhiga suuqa ku sii xoojisay.

 

SOMALILANDPOST.NET