Microsoft Oo Samaysay Aadame-U-Ekihii Ugu Horreeyey Ee Awood U Leh In Uu Talefishannada War Ka Akhriyo 

Beijing (SLpost)- Dalka China ayaa soo bandhigay Aadame-u-ekihii abid ugu horreeyey ee awoodi kara in uu talefishanka ka hadlo. Aaladdan oo loo ekeysiiyey ruux dumar ah waxaa loo bixiyey Shiyaaw (Xiaoice) waxaana samaysay shirkadda caanka ah ee Microsoft. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay Talefishanka Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya in Shiyaawi ay tahay Aadame-u-eke aad uga garaad badan kuwii hore loo samayn jiray, waxa ay leeyahay muuqaal aan laga garan Aadamaha iyo cod aad u qurux badan oo u eeg codka dadka Shiinaha ah, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay barnaamij toos ah oo subax kasta soo gala ku yeelan doonto talefishanka, taas oo ka dhigaysa Aadame-u-ekihii (Robbot) abid ugu horreeyey ee shaqada noocan ah loo igmado.

Aadame-u-ekahan saxafiga laga dhigay waxa uu awoodayaa in uu sida aadamaha caadiga ah u soo jeediyo wararka cimilada, iyo weliba in uu sharraxaad dheeraadd ah ka bixiyo dhacdooyinka waaweyn ee cimilada la xidhiidha wawxa aanu yeelan doonaa barnaamij subax kasta soo gala oo toos hawada looga daawan doono isla marka uu ku jiro.

Shiyaawi waxaa ku rakiban aalado iyo garaad sancays tiknoolajiyadeed ah oo aad u casriya, taas oo u suurtogelisay in sida aadamaha caadiga ah ay hawshan u gudato, wax aanay durbadiiba taageero iyo soo dhoweyn badan ku heshay barnaamijyadii bilowga ahaa ee dadka la tusay. Waxaa la rajaynayaa in farsamadan ay shirkaddu sii ballaadhin doonto una sii gudbin doonto Maraykanka iyo dalal kale.

Badhtamihii sannadkan ayaa ay ahayd markii khubarada tiknoolajiyaddu ay ku guulaysteen in ay sameeyaan Aadame-u-eke kale oo saxafi ah, kaas oo awood u leh in uu daqiiqad keliya ku qoro maqaal ka kooban Kun kelmadood.

Si kastaba ha ahaato ee samaynta Aadame-u-ekeyaashan shaqooyinkii Aadamaha caadiga ah qabanaya ayaa dunida ka dhaliyey dood la xidhiidha wax-tarkooda iyo wax yeelladooda midka badan. Iyo in la isweydiiyey in sannadaha soo socda ay Aadame-u-ekuhu (Robbots) suuqa ka saari doonaan shaqooyinka dadka caadiga ahi qabtaan, taas oo sii kordhin doonta culayska shaqo la’aanta ee imikaba dunida haysta.

Xigasho Geeska Afrika