Meydka Qof Rayid ah oo shalay laga Helay Deegaankii Dagaalladu ka dhaceen ee Cilmi Xirsi iyo Dhimashada dhinaca Liyuu Booliska oo Sii Kordhaysa

Cilmi Xirsi (SLpost)-Tuulada Cilmi Xirsi oo ka mid ah tuulooyinka hoos tagga degmada Xarshin ee kililka Somalida Itoobiya oo doraad Maleeshiyaadka loo yaqaan Liyuu booliska ee dawlada deegaanka Somalida Itoobiya dad shacab ah ku xasuuqeen ayaa la sheegay in maanta laga helay maydka hal qof oo rayid ah.

Sida ay shabakadda Somalilandpost ku heshay Wararka ka imanaya Deegaankaas, marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Axmed Didde (Sanyare), ayaa laga helay meel aan ka fogayn tuulada Cilmi Xirsi oo ciidamada Liyuu boolisku saddex maalmood ka hor dad Shacab ah ku laayeen.

Maydaka ninkan oo ka mid ah dadka deegaanka Cilmi Xirsi ee dhibaatadu ka dhacday ayaa shalay la geeyay tuuladaasi si loo caddeeyo ciddiisa waxaana isla shalayba lagu aasay deegaankaas, waxaanu ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee ciidamada Liyuu Boolisku sida ujeedo la’aanta ah u toogteen kaas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaya Toban.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya magaalada Jijiga ee Xarunta Ismaamul-goboleedka Soomalida Itoobiya, waxa sii kordhaya tirada dhimashada Liyuu Booliska ka soo gaadhay dagaalkii Dhexmaray dadka deegaanka, ayaa sii kordhaya halka tirada dhimashadu maydadkooda lagu aasay magaalada Jijiga ay dorraad ka ahayd 31, waxa ilaa shalay la soo wariyey inay Dhaawac ku dhinteen ilaa saddex askari oo ka tirsan ciidamadas halka dhaawaca intoodii kale oo qaarkood xaaladdooda caafimaad halis ku jirto loola cararay dhinaca magaalada Herer ee gobolka Hererge ee dalkaas Itoobiya. Waxaanay tirada dhimashadu hadda maraysaa 34 Ciidamada Liyuu Booliska.

Xaaladda amaan ee deegaanada dhibaatadu ka dhacday ayaa deggen ilaa maalintii Dorraad ka dib markii ay goobahaas soo gaadheen Ciidamada Federaalka Dawladda dhexe ee Itoobiya. Waxa kale oo ay wararku sheegayaan Saraakiil ka tirsan Dawladda Dhexe ee Itoobiya, madax-dhaqameedka deegaamada Xarshin iyo wax-garad ay gaadheen deegaamadii ay dagaalladu ka dhaceen si ay u soo qiimeeyaan xaddiga Khasaaraha ay shacabka u geysteen.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net