Meydadka Boqolaal Tahriibeyaal Soomaali ku jirto oo ku soo Caaryey Xeebaha dalka Liibiya (SAWIRRO)

Tripoli (SLpost)- Meydadka muhaajiriin u dhashay qaaradda Afrika, ayaa ku soo caaryey xeebaha dalka Liibiya, gaar ahaan meel 36 KM dhinaca bari ka xigta qaaradda Caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Meydadka ku soo caaryey xeebaha Liibiya, ayaa la rumaysan yahay inay ka mid yihiin tahriibayaal tiradaada lagu qiyaasay 200 oo Soomaali ku jirto, kuwaas oo doontii ay saarnaayeen kula degtay meel xeebaha dalka Liibiya u jirto 2 KM iyaga oo isku dayayey inay ka tallaabaan badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub.

AFRICAN MIGRANTS DROWNED (1)16 qof oo ay ku jiraan shan carruur ah ayaa laga badbaadiyey 200 ee qof ee Doonta saarnaa.

Doonta oo dadka saarnaa ay isugu jiraan rag, dumar iyo carruur, ayaa xeebaha dalka Liibiya ku qarraqantay habeennimadii Jimcaha ee todobaadkan, sida ay sheegeen qaar ka tirsan ilaalada Xeebaha ee deegaanka shilku ka dhacay.

“Meel dhowr Kilomitir u jirta Xeebta, ayaanu ka helnay hadhaaga doon loox ka samaysan oo ay saarnaayeen 200 muhaajiriin ah. Waxaanu badbaadinay 16 qof iyo maydadka 15 kale, laakiin waxaanu wali baadi-doonkoodu ku jirnaa 170 qof oo kale oo baddu liqday,”sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay ilaalada Xeebaha dalka Liibiya oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim.

AFRICAN MIGRANTS DROWNED (5)“Waxaanu ogaannay inay isugu jiraan Soomaali iyo Eritariyaan iyo qaar waddamo kale u dhashay. Waxa ugu naxdin badnayd waxay ahayd inuu ku jiray ilme yar 18 bilood jiray,” ayuu yidhi Mr Maxamed Ibraahim.

Tiro ku dhow 3,500 oo tahriibayaal ah iyo meydadka 19 qof ayaa la helay todobaadkan gudihiisa oo xeebaha dalka Liibiya ay ka goosteen doonyihii ugu tirada badnaa, ka dib markii ay sii xoogeysteen dagaallada ka socda dalka Liibiya, gaar ahaan caasimadda Tripoli oo ay ku hirdamayaan malleeshiyo-beeleedyo, kooxo xag-jir ah iyo ciidamada dawladda taagta daran ee dalka Liibiya.

AFRICAN MIGRANTS DROWNED (4)Laba Markab oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa badbaadiyey 1390 tahriibeyaal ah halka meydadka 18 kalena badda laga soo saaray habeenimadii Jimcaha ee todobaadkii hore.

Kumanaan tahriibeyaal ah oo Soomaali ku jirto, ayaa sanad kasta u tahriiba Yurub, iyagoo beegsada safar halis badan oo ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan, waxaanay silic ugu dhintaan badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub halka intooda nasiibku badbaadiyo ay qaxoontinimo ku galaan waddamada Koonfurta Qaaradda Yurub.

SOMALILANDPOST.NET