Meherkii Baaqday! Qormadii 7aad.

 

Xaamud dooda adag ee uu kaga jawaabay dalabkeedii Xamda umay cuntamin may noqon, dalbkeedii muu ahyn miduuuga heshiiyeen qarashka meherka, qorshaha isbedelay waxa soo kordhiyay Xamda dumarkau ehelka ahaayeen. natiijada  waxa ka sugaay dumarkii danbiga shiday, intay  aad ugu qaylisay oo ay si kulul ula hadashay ayay ku tidhi “ xaasha dalabkaasi midaan aqbalaayo maah umana  qalmo waxaad sheegaysee raali ahaw, haddi aanad ii yeelayn sidaa oo aanad iiso doonayn sida qayrkay guurkaagu hayga maqnaado Xaamudoow” telefoonkii intay dhigtay ayay baqtiisay oo ay iska seextay, hurdi kari wayday oo qaban wayday sariirtii, arrinka hooyadeed u sheegtay sida xaal yahay iyo inuu ninkii diiday inuu qarashka kordhiyo, hooyadeed oo aad uga xun sawirada inanteeda ee ku faafay  nacab iyo nasteex ayaa ka codsatay haddi xaal sidaa yahay inay yeesho oo ay sidii hore ku dayso arrinka isna dejiso.

 

 

Xamdi habbeenkaa go’aan aanay mahadin ayay qaadatay oo waxay gaadhay inuu sidaa kaga maqnaado guurka Xaamud, aadbay u kacsanayd habbeenka umay fikirn si degen waxase qalbiga ka xaday hablhii u yimi fiidkii, Aabbaheed  ayay u sheegtay inay ka noqotay meherkii oo aanay doonayn ninkaa, waraysay oo dhanksata kaga yimi lasoo marsiin waa oo yeeli wayday Xamdi inay qoys la wadaagto Xaamud, talo faro ka haadday, waxay odayaashi kusoo war celiyeen Xaamud qoyskoodi in meherkii baaqday oo inantii isfahan waa xagga  Xamda ahi  yimi raalina ay ka ahaadaan, oo ay ka xaal marinayaan sida arrin noqday.

 

 

Xaamud oo ku hanweynaa riyada muddada ka guuxaysay maankiisa rajadu qabay soo af-go’day, saacadii danbe ee habbeenka go’aankii la iskuna qanac si kasta hawgu adkadee. Subixii dad badani ku lugo’e madashii meherku ka dhici lahaa. Waase qadar mawle iyo qoraale meherkii baaqay! Toddobaad waxa meerayay facebook-ga sawiradii ay galeen ee ay ugu talo galeen damaashadka meherkooga in dadku ku tahniyadeeyaan. Markuu arkaba murugood, dhacdadaasi Xaamud waxay ku reebtay uurkutaal iyo arami aan ka hadhin. Wejigabaxa ku dhacaa wax walba kaga daran, saaxiib kastoo arka iyo mid kastoo fariin usoo diraaba Caruus ayuu ku yidhaa. Xantu badatay oo laysla dhex mar ninkii in gabadhi kaga baxday. Magac kalaa u baxoo marka ay arkaan asxaabtay ahaayeen kaftan wadaagta qaarba ku yidhaa Xaamud guursan gaadhay.  Habbeenkii malado waxa lagusii tiftaafay warankii jacaylka ee oofaha kaga higaagan.

 

 

Xamda niyad jab iyo qajilaad qolkeedi kasoo bixii wayday, qofkii arkaaba wuxu waydiiyay maxaa dhacay ee meherkii baajiyay. Cuqdad iyo colaad aan ka hadhinbay ka qaaday meherkaa baqaaday! Facebook-gii markay gasho ee ay ku aragto sawiradii niyadjabay ka qaada. Asxaabteedi su’aalo badan oo aan lahayn jawaab ayay waydiiyaan, sawiradiina hadhi waaye oo ku faafe dunida dacaladeeda! Waxay qoomamaysay taladii seegtay, ducadii waalidkay diiday iyo guurkii diyaarka ahaa ee ay khasaarisay. Waa calafe caashaqii ay u haysay Xaamud haddu ugu daranyahay oo aany hurdo kal ledin, habbeen oo dhan waa u fikir iyo faalooyin tagay, kol waxay ka werwertaa nafsiga ay gashay iyo dumarkii seejiyay samaha ee ay maqashay. Tolow miyaad fallayd markii lagu bedelay ee dumarka baas ku seejiyeen hiigsigii guurka goblan tallo aduunyooy! Dhamaad.

 

 

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com