Meherkii Baaqday!  Qormadii 6aad

 

 

Xamda waxa guriga ugu  yimi dumar u habar yara iyo hablo ay Ilmaadeer  yihiin, dumar war laga raacye waxa laga waraystay judhiiba meherkay ku heshiiyeen Xaamud  ee ay qabsatay qadarkiisa, waxay u shegtay inay ku heshiiyeen Konton Giraam oo dahaba, shan milyan ku dhawaad kaasha iyo kun doolar oo yarada, Hablihii marqudha wada kaceen  oo kor ugu dhawaaqen   “ naa maxaad tidhi hoogto ma konton giraam, bisinka naa miyaanad dhabnakaaga iyo dheehaaga arkayn, Quruxdeeda ku qaddo. Naa ka noqo oo ninka waxaad tidhaa Laba boqol oo giraam ka dhig, ragga sankaa laga tolaa halkuu kaa helay na ma  Liibiya miyaanad ahayn inna Naaleeye  Jookh. iyado kor u qaylinaysa indhahana galka kasoo saaratay oo aad moodo inay dagaalamayso  Ubax oo ay ilmaadeer ahaayeen Xamda. ” dhagayso Doqonyahay hablaha reerkeena mid qudha oo lagu meheriyay intaasi ma jirto, lacagta aad shegaysaana nus kagama dhacaysa Suleekha xoolihii laga baxshay, hudheelka aad meherka ka dhigteena maaha Casri waa laga tagay, halkeed ka dhoohantahay Xamda sawdiga jaamacadana dhigta naa yaanu ku harawsane ninka iska celi oo la hadal caawa.

Xamda oo niyad jabsan ayaa  lasoo hadashay Xaamud oo kasoo rawaxay shaqdii, waxay uga warrantay sida aanay ugu qanacsanayn ee ay rabto in uu yeelo, Xaamud wuu daalan yahay maskax ahaan iyo jidh ahaan wuxuu ku mashquulsanaa maalmahana arrinka meherka, lacago badanbuu soo amaahday oo asxaabtiisu kusoo kaalmeeyeen. Mushaharadii ururinaayay waxna doolar u bedel waxana sarrif. Macawis B.H.S ah iyo go’ shaala oo qaaliya shandadiisa ku hubsay. Wuxu tirinayaa saacadah ka hadhay meherka, wuxu isku gaygaynayaa kharashka baaqiga ah iyo halka uu ka dabaraayo. Xamda oo si kulul u hadlaysa yaa ku tdihi Xaamud   “ waxaan doonayaa inaan kaala hadlo meherkeena oo aad ka dhigto Laba boqol o giraam, lacagta doolarka ah ee yaradka ahna ku dar Kun doolar, gabaatigana kasoo dhig toban milyan, hudheelkana innaga bedel maaha mid shidan oo casriya, haddi kale meherkeena waan ka noqonayaa”

Amakaag iyo looma fadhi!  Xaamud oo daalana ka daadagi waa arrinkay Xamdi ka dhawaajisay yaab weynaa, kharash kuma hadhin oo wuxuu xistiyayaa ma jiraan taagti intuu hayay waxba lamu hadhine diyaari, qarashka ay caawa ka hadlayso Xamdina horay u qorsheeyeen oo ay uga wada hadleen. Waxa soo kiciyay muu fahmin wuxuu ugu jawaabay si degen intuu ku fadhiistay sariirtiisi oo uu iska bixiyay dharkii shaqada “ Xamdaay horaynu uga heshiinay dhamaan arrimahaa, hadda waxaynu maraynaa meeshi u danbaysay, hambalyadii arooskeena lagu jiraa oo sawiradii “ Commin soon” waynagii doraad gallay, Aabbahay wuu u yimi Aabbaha oo waala ballamay, waad ogtahay jeebkayga inaan awoodin qiimaha qadarka lacageed ee aad hal-xidhaalaha kaga dhigtay meherkeena, haddi aad igu galayso waxaan intaa aynu ku heshiinay ahayn diyaar uma ihi mana hayo ee ku abshir” La soco…………….

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com