Meherka Masjid lagu Qabto Maxaa laga Wadaa?

Aniga oo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya ayaa la igu martiqaaday xaflad meher. Meherka waxa lagu qabtay mid ka mid ah huteelada ku yaal xaafadda Islii. Wuxuu u dhacay sida meherka magaalooyinkeena oo dhami u dhacaan. Waxa se aan u qaadan waayey markii la noo sheegay in qadada aan ku casuumannahay masjid. Masjid cunto la geeyo maalin iska caadi ah uma baran. Ramadaanta ayaa afturka la geyn jirey si kuwa aan heli karin uga noolaadaan. Dad se iyagu isku casuumaya masjidka waaba kow!

Salaaddii kadib, waxa masjidka la keenay gusuud cunto la ceegaaga, sharaab qasacado iyo caagado ku cukan iyo bacihii loogu dhigi lahaa fayodhawrista  goobta cibaadada. Waxaan ku qaabilay maalintaas sida arrimaha la yaabka leh, haddana nafta aan laxaw marin oo kale: waadaal wixii iga haysay masjid wax lagu dhex cunayo, sheeko ayaan isku dhaafiyey.

Taasi waxay ku beegnayd badhkii dambe ee tobnaadkii labada kun. U kaalay haddana Ramadaantii 2011kii. Anigoo jooga magaalada Kolambas ee gobolka Ohaayo, Maraykan, ayaa si Alle badane waxa ay ka geyn weyday hal maalin in aan ka afturno masjid. Kolba male aan cuntada masjidka iskaga dayno ayaan baadhbaadhaa. Nag. Waa mararka aad la colloobayso masaafada dhuleed, oo Kolombasna aad moodo in ay astaan gaar ah u tahay. Saaxiibkay wuu ka dheregsan yahay baaxaa-degayga. Isagu se waa nin qurbe in badan joogoo wuu yaqaan sida aanay ula mid ahayn masjid dalkii ah nin u aftur tegaya.

Ka geyn weydoo tegnay. Aftur fudud iyo cashaba ka soo cunnay. Cashada waa lagu nastay. Bariiska, adimo luki, khudrad, sharaab iyo macmacaanba waan ka helnay. Cibaadadii aan ku soo ordaynay ayey ba furaad u noqotoo halkii awal cuntada ka gaadhgaadhsii oo masjidka u baxa ka ahayd isagaaban ka dhex kacnay imika. Nafiidho.

 

Waadaashu illeyn dhayal kuma hadho. Sanadkii kaa ku xigay ayaa anigoo degan Kaalgari, Albeerta, Kanada, dad i jecel oo iga waayo-aragsan igula taliyeen in bisha soon aan masjidka salaad iyo cuntaba ugu taxnaado. Waa mararka aad ku dantebto (tebis daneed) hooyo, oori, walaashaa iyo haween ba kuwii kuugu dhawaa. Waxa kale ee ciilku kaa qabanayaa in aanad soo baran cunto-karis oo aanad joogin isku-filnaansho. Waxaan walaalaha u xaqiijiyey inay igu adag tahay laakiin aan ku dabari karo inta yar ee farsamo karis ee aan hadda yeeshay. Soo duuduuboo, la igu kari waa.

 

Kalkii xigey ayaan u guuray magaalo la yidhaa Edhmantan oo isla gobolkaas ah. Ramadaantii waxay ku soo beegantay xilli kala guurkaas ah oo aanan degin, guuray na. Xilligaas waxaan marti u noqday xaafad saaxiibnimo iyo ehelnimo ba aan wadaagno. Markan u ma hadalqaadin masjidka cunto. Marka laga tegi waayo hal habeen oo aan kubadda ku soo daahnay.

 

Kalkii iigu xigey waxaan ku maqnaa dalkii. Waad ka qabawsanaysaa… Kalkii ugu dambeeyey oo aan joogay Edhmantan, waxa iga deftay ama fududaatay aragtida aan ka qabo – malaha in lagu barto waan u soo joogay! Waa afar sano kadib Ramadaantii iigu horraysay.

 

Lacag ayaa Muslimiintu iska guraan marka ay soo dhawaato Ramadaan iyo gudaheeda ba. Taasaa afturka laga soo gadaa. Si damiirkaagu u nasto, taas ayaad ku darsan, dheeftana la wadaagi dadka. Wakhtiga dheer ee la soomayo iyo duruufaha badan ee kale ee noloshu waxay adkaynayaan inaad dheri kariskii wakhti iyo tacab geliso. Waa ba furaad. Haddana cibaadadii ayaabad haleelaysaa.

 

Waxay tahay mooyi, weli kuma wada degin. Didmadiise yaraatay. Inta sano ee dalka aan ka maqanahay waxa ku xoogaysanayey ku mehersiga masaajiida. Anigu u kala garan waayey barakaysi iyo wax dabayshiisu imika socoto midka ay tahay.

 

Sababaha kale ee dhici kara ee aan meesha ogaan uga saaray waxa ka mid ah dhaqaalayn. Xagga dhaqaalaha, aroosyada uma qiimeeyo madaxqarasheedkiiba gooni. Inkastoo laga yaabo in madaxqarasheedka madasha uu masjidku kaga jabnaado huteelka, haddana ma arag in aroosyada masjidku ka jaban yihiin wadarta kharashka ahaan kuwa ka dhaca huteelada. Haddii kharashka guud aan hoos loo wada dhigin, la is ma odhan karo waa dan dhaqaale, gaar ahaan marka ayna aroosyadaasi u suurtoobayn wax aan u suuroobin kuwa kale ee huteelada lagu qabto.

 

Huteelada laftoodu ba waa ugub. Malaha dhallinyar badan oo aroosanaysa hadahan kama warqabaan in ay ka mid yihiin jiilalkii ugu horreeyey ee aroosyadoodu u bataan huteelada. Waxaan xusuustaa iyadoo gabadha marka la isweydiisanayo, meherka iyo arooskuba ay ka dhacaan guryaha – imika malaha waa sii gabaabsi e. Waxa la bixin jirey, halkan imika laga dalbado saanbuuska iyo keega, caano iyo timir, ino salool ahna waa lagu badhaadhayn jirey xilliga meherka. Adigoo caanahaa, timir iyo saloolku ku dhex orordayaan oo gacanta midig wixii gabaati meesha loogu talogalay ku haysta ayaad ka hulleelaysay.

 

Habeenka arooskana, ninka oo maashoo la hor wado marka lagu soo gelbiyo guriga, ayuu neef iyo laba, in ay hayntiisu tahay ba, inta uu bireeyo, gudaha geli jirey oo dabadeed “Yaa Rabbi Salla Calaa Muxamaad…” la isgaadhsiin jirey. Haa, cidda bireynaysaa waa arooska ee ma ahayn cid loo wakiishay. Habeenka xeedhada ayaa ugu xifaalo badnayd oo gabadh askariyad ahi inta ay usha soo wadhfiso iyadoo ku luuqaynaysa, “Waan kaa helaa wallee waa iga wacadee, ila wadee wixii aan kaa rabee…” ayey usha ay haysato ku taabsiinaysaa.

Waxaad u soo kacaysaa dhankaa guddida oo warqaddaada aad ka qaadan. Haddii ay kuu soo baxdo hees oo aanad qaadan karin kuwa loogu jecel yahay, tusaale ahaan, “Midhaha jannada ku yaal iyo madheedh baxay la moodyaay, muuqiyo midabkaaga…” in laguu dooriyo ayaad dalban. Guddidu waxay doonaan ayey kugu xukumayaan “sida dameerka u ci,” “dadka ka qosli,” “oy,” ama waxay ku siinayaan biyo milix leh. Haddii se akhyaar ku furataa kuu joogto, waa habar iyo habeenkeed.

 

Dhaqan ahaan, guriga la isugu yimaad ee gabadh lagu bixiyaa waa ka waalidkeed, ama ciddii kale ee ugu dhaw iyada dhinaceeda. Waxa la bidey huteelada dhib yaraysi. Berigaas hore ee arrimaha lagu dhammaynayey gurigu waxa haysan jirtey  reerka arooska leh jiidhjiidh, alaab jajabta, wasakhaynta gogosha iyo mararka qaar maadaama reeraha ay isugu imanayaan dad aad u kala duwan in xatooyo iyo dhibaatooyin kale ba haleelaan. Huteeladu may ka kharash yaraadeen ama hawl yaraadeen guryaha, waa su’aal weli furan. Ugu yaraan se, waxay qaadeen wax aan u qaadi karin guri na: marti xad dhaaf ah oo boqolaal ah.

 

Dhinac kale na, huteeladu waxay noqdeen minguurin dhaqan oo dhanbalan oo cidda inta badan huteelka la heshiisa, ee soo diyaarisa martiqaadku waa ninka halkii ay ka ahayd reerka gabadha. Laakiin dabcan, arrimo kale ayaa meesha ku soo kordhay oo dhaqaale kuwaas oo sababay in qofka go’aanka dhaqaaluhu ka go’o uu noqdo ka soo ballamiya goobta. Haddii awal na labada reer mid ba inta uu doono goonidiisa ugu yeedhan jirey, reerka ninku na sheegi jirey inta ka imanaysa dhankooda, imika waxa lagu kala qaataa warqado casuumadeed oo labada magac ba ku qoran yihiin si labada reer ba isaga dhex arkaan.

 

Yeelkadeed e, huteelku ugu yaraan wuxuu kala sinnaa guriga in uu yahay meel gaar ah, oo lacag yar oo aad bixisaa kaga dhigi karayso guri-ku-sime taas oo ah sifo aan masjidku la wadaagi karin xataa marka aad ugu dhaxayso ictikaaf. Ma hawlyara meel dadka oo dhan u furan in adiga iyo inta kuu dhaw aad munaasabad gaar ahaaneed ku yeelataan. Xataa haddii laguu oodo, waxa adag damiirka kuugu deganaanaya gooni u xidhashadeeda. Sunne iyo faral qallihiiba, bal ka u imanaya masjidka salaad ee looga celinayo “Aroos ayaa ka socda,” ka warran?

 

Dhanka kale na, meherka majidka ka dhacaya dadka kama horjoogsado xafladda habeenimada ka dhacda huteelada, sidaas darteed anshax wanaajin weeye la isma odhan karo, waa ba haddii arrin anshax aad ku arkayso qaabka arooskeenee. Ku darso oo, waxa miskiidka ka dhaca waa ka subaxnimo oo keliya ee sheekhu meherka ku agaasimo. Halkaas na, wax kale oo lagu sheegaba, madasha waayeel iyo culimo ku kulantay, arrin anshax oo lagu dhiso daayoo in lagu dumiyo waa ha sheegin.

Haddii arrintu aanay anshax iyo dhaqaale hagaajintood ahayn, haddaba maxaa laga wadaa?

Tani waxay i soo xusuusisay berigii sagaashameeyadii ayaa magaalada Boorama, la arke in lala qabayna e, waxa ku badnaa kitaab-ku-mehersiga. Gabdho badan ayaa marka qiimaha meherkooda la weydiiyo, jawaabtoodu ahayd, “Kitaab Quraan ah.” Ma ahayn xilli ay kutubtu dhulka ku yaraayeen ama ay qaali ahaayeen furashadoodu. Gabdhaha sidan dalbanaya way haystaan kutub, wayna bartaan, qaarkood na way ba dhammeeyeen haddaanay dhigin ba. La arke in gabdhahaasi lagu meherinayo kitaabku uga aqoon badan yihiin kitaabka raggaas ku mehersanaya.

 

Berigaas na yaabkaas ayaa taagnaa: kitaab aan la isbarayn oo la isku mehersanayo, dad badan way ka yaabeen. Imikana waa yaab masjid la isku mehersado oo aan dhaqaale lagu dhawrayn, meher markiisa horeba anshax lahaana lagu qabanayo. Nin aan saaxiib nahay ayaa martigeliyey nin kale oo mar dambe uu na iskaaya baray. Naanays adag ayuu lahaa ninkani. Magacyadooda waan dhaafaynaa mar haddii aynaan ogolaanshahooda hayn. Carruurtii saaxiibkay ayaa naanaystii loo sheegay. Waxay weydiiyeen aabahood: “Aabbo, horta… (naanaystan) maxaa laga wadaa?” Waa halkoodiiye, “Ilma adeerayaalow, masaajiidan la isku mehersanayo horta maxaa laga wadaa?”

Mukhtaar Xasan Maydhane

Email: maidhane@yahoo.com

Facebook:Mukhtar Hassan Maidhane