Meere Dhulka Aad Ugu Eeg Oo La Helay Iyo Culimada Cilmi Falagga Oo Sheegay In Lagu Dul Noolaan Karo

 

Picture79-150x150

 

Washington (SLpost)- Haayadda maamulka duulimaadyada iyo hawada sare ee Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa dhowaan heshay meere ka baxsan nidaamka qorraxda oo ay sheegeen in uu si aad ah ugu muuqaal iyo xaalad dhow yahay ama la mid yahay dhulka aynu ku noolnahay. Saynisyahannada NASA waxa ay aaminsan yihiin in meerahan cusubi uu qiyaas boqolkiiba 60 ah ka weyn yahay dhulka, xiddigaha lagu magacaabo Bahda Midaysay Qorraxdana (Solar System) uu u jiro masaafad u dhiganta inta uu ilaysku socon karo 1400 oo sano.

Meerahan cusub waxa ay xeeldheerayaashu u bixiyeen Kepler-452b iyaga oo qayb magaciisan qayb ahaan ku xusaya caalimkii Jarmalka u dhashay ee la odhan jiray Johannes Kepler. Mar ay culimada cilmi falagga ee NASA weynaysada hawada sare loo adeegsado ee Kepler ku eegeen xaaladda ka jirta meerahan cusub gudihiisahana waxa ay sheegeen in uu leeyahay meelo ay aadamuhu si caadiya ugu noolaan karaan oo u dhow meere kale oo u eeg qorraxda, sidoo kale waxa ay arkeen in meerahani uu leeyahay biyo u muuqda in ay dareere yihiin (Aanay baraf ahayn) taas oo caadi ahaan shardi u ah marka la qiimaynayo in meeraha uu noole degi karo.

Hore ayaa ay culimada cilmiga xiddiguhu u heleen meerayaal le’eg Kepler-452b, laakiin meerahan waxaa u dheer in uu ku wareegayo xiddig aad ugu eeg qorraxda oo weliba uu u jiro masaafad ku dhow ta dhulku u jiro qorraxda. Jeff Coughlin oo ku xeeldheer cilmibaadhista Kepler, kana tirsan maxadka City oo ku yaalla gobolka California ayaa xaqiijiyey in helitaanka meere u eeg Koonka aynu ku nool nahay, kalana mid ah dhinaca deegaanka iyo heer-kulka, isla markaana ku wareegaya xiddig la mid ah qorraxdu ay tahay horumar weyn oo la gaadhay”

 

Haddii ay dhacdo in meerahan la dego waxa uu farqi u dhaxayn doonaa sannad tirsiga dadka adduunkeenna ku nool iyo dadka Kepler-452b maadaama oo sannadka meerahani uu ku wareegi doono 385 maalmood, taas oo sannadka dhulka ka badan labaatan maalmood.

Xigasho Geeska Afrika