Meeqaam Noocee ah ayuu Madaxweyne Muuse Biixi kala Kulmay Dhiggiisa Jabuuti? (SAWIRRO + VIDEO)

Jabuuti (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maanta ka amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo dhaweeyey gegida diyaaraha ee magaalada Jabuuti, waxaana madaxweynaha iyo weftigii qaabilay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.m (11)

War-qoraal kooban oo madaxtooyada Somaliland ka soo saartay kulanka labada madaxweyne iyo qaabkii loo qaabilay weftiga Md Muuse Biixi, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer caalami ah, meeqaamkeeduna sareeyo loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, markii ay gaadheen madaarka diyaaraha ee dalkaasi, oo ay ku sugayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mida golihiisa wasiiradu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA QAABILAADDA WEFTIGA

https://youtu.be/5doU1GW0YiA

Markii ay soo cagadhigatay diyaaradii siday weftiga madaxweynaha Somaliland oo iyadu ahayd diyaarad khaasa oo madaxweynaha Somaliland ka qaatay madaarka Cigaal International Airport, geysayna madaarka Jabuuti, iyadoo ay madaxweynaha ku hoos sugayaan diyaarada wasiirada Arrimaha dibeda iyo wasiirka maaliyada ee Jabuuti iyo buxno kale oo ka mida dawladda Jabuuti oo uu wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ka dibna waxa loo sii gelbiyey dhinaca qolka nasashada (VIP)-da oo uu ku sugayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.m (6)

Madaxweyne Geelle oo isagu marti-qaadka u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi si balaadhana u qaabiley una soo dhaweeyey dhigiisa Somaliland ayaa qadar nasasho ah ka dib madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey Hotel Kempinski oo ay weftigu ka degan yihiin.

Waxaana la filayaa in uu maalinta beri ah si rasmi ah u qabsoomi doono kulanka labada madaxweyne ay yeelan doonnaan, kaasi oo noqon doona mid lagu soo qaado lagagana wada hadlo danaha labada dal iyo ta geeskaba,” sidaas ayaa lagu sheegay war-qoraalka ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Somaliland.

DAAWO SAWIRRADA SOO DHAWEYNTA WEFTI SOMALILAND IYO KULANKA LABADA MADAXWEYNE