“Meel walbana waa ka ammaanaysaan (Guurtida), guddoomiyahoodiina waa Xun yahay, Cidina idinka rumaysan mayso”

Saleebaan gaalHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa iska foogeyey eedo mucaaradku ugu jeediyeen muddo-kordhin uu Golihiisa Dhexdiisa uga ololeynayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inaanay jirin muddo-kordhin la soo hadal-qaaday oo dhinacyada ay khusayso iyo Goleyaasha Qaranku ka wada-hadleen.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay xafiiskiisa, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey dhaliilo loogu jeediyo inuu u jan-jeedho dhinaca Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

HALKAN KA DAAWO