Meel Aan Rabay Roob Igu Eri: Qalinka Cabdiraxmaan Cadami

Cabdiraxmaan-Cadami-yyyyMadaxweyne Siilaanyo markii uu xilka madaxtinimada dalka la wareegay (August 2010) waxay isaga iyo kooxdiisu si ku talo gal ah markiiba u sii bilaabeen qorshihii muddada loogu kordhin lahaa marka teeramkiisa(Term) hore dhammaado.

Si qorshuhu suurto gal u noqdo waxay ku ducaysan jireen in musiibo dabiici ah, nabadgalyo xumo darran ama balaayo kale timaaddo si loo helo cudur daar la aqbali karo oo waafaqsan dastoorka qodobka 83 farqaddiisa 5-aad, laakiin Idanka Eebbe iyo nasiib wanaagga umadda wax dhibaato ah oo lagu marmarsooda dalka kama dhicin hase ahaatee markii muddadii loo doortay soo dhawaatay halkii doorasho laga qaban lahaa sidii horeba qorshuhu u ahaa waxa si indho isku qabad ah loogu kordhiyay laba sannadood oo wax loo cuskaday jirin haba yaraatee.

Labada gole ee xeer dejinta muddo kordhintaa xaaraanta ah waxa lagaga bedeshay  ama lagu laaluushay in iyagana markii saddexaad loo kordhiyo. Si kastaba ha ahaatee heshiiska ama shirqoolka xukumadda iyo labada gole wuxuu noqday arrin shicibku liqi kari waayay ama lagu tilmaami karo khiyaamo dadweyne oo taariikhda ku gali doona sanadkii dimuqraadiyada Somaliland kuftay.

Sidaas oo kale waxa walaac xooggan ka muujiyay beesha caalamka gaar ahaan dalalka Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo dhaqaale badan ku bixiya Gardaadinta iyo taabo galka dimuqraadiyadda. Markii wakiillo ka socda dalalka kor ku xusan ay madaxweynaha u soo bandhigeen aragtida dawladahooda oo ah in aan lagu qanci Karin korodhsiimo dastoorka baal marsan iyo in aanay niyadsami u hayn inay sii wadaan taageerada baarlamaan dhawr iyo toban sannadood iska fadhiya, xukumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ugu jawaabtay in la soo abaabulo muddaharaad ay hor kacayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta qaranku iyo ardayda dhawr dugsi oo qasab lagaga soo saaray fasalladii ay wax ku baranayeen oo lagaga soo horjeedo dalalkii muddada dheer gacanta siin jiray Somaliland.

Halkaa kuma ay joogsan ee hadana waxay ku tiraabeen inay xukumad ahaan bixinayaan kharashkii beesha caalamku bixin jirtay. Runtii waxay ahaayeen ficillo iyo weedho aan ku haboonayn diblamaasiyadda oo lala yaabay: waa marka hore e Somaliland wakhtigan xaadirka ah kama maaranto taageerada iyo gargaarka bani’aadanimo ee beesha caalamka, waa marka labaad e hadallo boolo-xoofto ah(Rhetoric) oo afka laga yidhi waxba kama tarayaan baahida Somaliland u qabto kharashaadka faraha badan ee doorashooyinka.

Dhinaca kale waxay bixinaysa sawir ah in aynu nahay umad gadda ama dafirta abaalka loo galo(Ungrateful) si kastaba ha ahaatee dalka waxa ku habsatay abaar ba’an oo saamaysay gobollada dalka oo dhan; waxay ku soo beegantay wakhti ay waxyari ka hadhsan tahay labadii sannadood ee xaaraanta ahaa, waa sidii la rabay, waa sidii ay ku ducaysanayeen si markan qiil loogu helo muddo kordhin kale. Murti Soomaaliyeed ayaa waxay tidhaa “meel aan rabay roob igu eri.” Lama saadaalin karo muddada golaha guurtidu u kordhin doonto madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa hase ahaatee loogama baran go’aamo ka turjumaya rabitaanka dadweynaha ama danaha Qaran-nimada Somaliland balse waxaynu dhawrayna waxa ka soo yeedhi doona maalmaha soo socda.

Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxdiisa isku sii dhejinaya kursiga ma dhaadana mana garanayaan dakharada iyo dhaawaca ay u gaysanayaan geeddi socodkii dimuqraadiyada Somaliland ee soo ifaysay iyo sumcaddii Somaliland ku kasbatay shanti doorasho ee madaxweynihii ka horreeyay dalka ka qabtay.

Qalinka Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com