MD. MADAXWEYNE SIYAASAD XUMADA IYO JAHAWAREERKA SHACBIGA KA SAAR OO MAWQIFKAAGA CADEE 

Salaan dabadeed, beryahan dembe waxaa soo noqnoqonayay hadal nuxurkiisu yahay Madaxweynuhu Musharrax Maaha iyo Waa Musharrax, isaga ooh ore Madaxweynuhu hore u shaaciyey in uu musharrax yahay.

 

Haddaba Md. Madaxweyne Intii aad safarka shaqo u baxdayba waxaa soo baxayay dhawr musharrax iiyo wasiirradii dawladda oo la kala safan, waxaana taas ka daran oo wax lala yaabo ah in md. Madaxweyne ku xigeenkaagii oo casuumad qabtay uu cadeeyey in uu msuharrax ku xigeen u yahay Md. Muuse Biixi.

 

Haddaba  Md. Madaxweyne Waxaa ay shacbigu kaa sugayaan in aad u caddayso in aad musharrax tahay iyo in kale, haddii doorasho aanad galayn  waxaa fiican inaad musharraxiintan kharashka badani ka baxayo  u deyso.

 

Markaa Md. MAdaxweyne Warka caddie oo haddii aanad doorasho galayn taariikh xumo ha kasbane dalka doorasho gaadhsii.

 

Allaa Mahad Leh

Garaad Mahad