Maydadka Kontan Muhaajiriin Ah Oo Laga Helay Gaadhi Dalka Austria

 

Austria(SLpost)-Maamulka dalka Austria waxa ay xaqiijiyeen inay heleen maydad ka tobannaan qof oo tahriibayaal ah. Maydadka oo saarnaa gaadhi nooca xamuulka qaada ah ayaa laga helay meel cidlo ah oo ka tirsan gobolka Burgenland ee bariga dalka Austria, halkaas oo ku dhow xuduuda Hungari.

Booliska dalkaasi waxa ay sheegayaan 20 iyo 50 mayd ay ka soo saareen gaadhiga oo uu ku xidhan yahay qaboojiye. Wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi, Johanna Mikl-Leitner, ayaa tilmaamay in musiibadan ay markale tusineyso sida loogu baahan yahay in Yurub ay shuruuc lagu difaacayo dadka soo galootiga ah loogana hortagyo dadka dhibaateeya in la sameeyo.

150827131118_austria_migrants_lorry_640x360__nocredit

Gaadhiga maydadka laga helay waxaa uu ka diiwaan gashan yahay dalka Hungari, xukuumadda Budapest waxa ay sheegtay in maamulka Austria ay kala shaqeynayaan sidii loosoo qaban lahaa dareewalkii gaadhiga. Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo, Madaxweyne Obama uu teleefoon kula hadlay hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel, si uu ugu mahadceliyo waxa uu ugu yeedhay hogaaminteeda latacaalidda qalalaasaha dadka megengelya doonka ah ee yurub.

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in si gaar ah looga hadlay in la qaabilo qaxootiga Suuriya. Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan ay fileyso inay qaabisho 800 oo kun oo qof oo megengelya doon ah si awood loogu yeesho in xaaladda laga hortago.

Mrs Merkel shalay waxa ay booqatay xarun ay ku jiraan dad qaxooti ah oo weerar kala kulmay xagjiriinta midigta fog. Waxa ay cambaareysay weerarka lagu qaaday qaxootiga, waxayna sheegtay in Jarmalka uusan arrintaas oo kale u dulqaadan doonin.